AS oo shaacisay mowqifkeeda heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga

Image
Maleyshiyadda xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa heshiiskan ku tilmaamtay "mid aan lahayn sal iyo baar".

MUQDISHO, Soomaaliya - Al-Shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ay kasoo horjeedo heshiiska difaaca iyo iskaashiga dhaqaalaha ee dowladda federaalka Soomaaliya ay la gashay dalka Turkiga.

Kooxdu waxay sheegtay in heshiisku yahay "sharci darro" oo "uu ka dhigan yahay tusaale kale oo ka mid ah hamiga gurracan  ee Turkiga iyo damaca waalida ah ee gobolka."

Al-Shabaab ayaa sanadihii lasoo dhaafay qaaday weeraro badan oo ka dhan ah muwaadiniinta Turkiga ee ka howlgala Soomaaliya.

Maleyshiyadda ayaa waxa ay weeraradan  la beegsadeen safaarada Turkiga, maadaama Ankara ay si xoogan u taageerto Soomaaliya.

Marka laga soo tago tababarka ciidamada Soomaaliya, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee uu Turkigu bixiyo ayaa taageero dhanka cirka ah siiya ciidamada Soomaaliya xilliyada ay socdaan howlgallada milateri ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM