AS oo shaacisay mowqifkeeda heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga

Image
Maleyshiyadda xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa heshiiskan ku tilmaamtay "mid aan lahayn sal iyo baar".

MUQDISHO, Soomaaliya - Al-Shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ay kasoo horjeedo heshiiska difaaca iyo iskaashiga dhaqaalaha ee dowladda federaalka Soomaaliya ay la gashay dalka Turkiga.

Kooxdu waxay sheegtay in heshiisku yahay "sharci darro" oo "uu ka dhigan yahay tusaale kale oo ka mid ah hamiga gurracan  ee Turkiga iyo damaca waalida ah ee gobolka."

Al-Shabaab ayaa sanadihii lasoo dhaafay qaaday weeraro badan oo ka dhan ah muwaadiniinta Turkiga ee ka howlgala Soomaaliya.

Maleyshiyadda ayaa waxa ay weeraradan  la beegsadeen safaarada Turkiga, maadaama Ankara ay si xoogan u taageerto Soomaaliya.

Marka laga soo tago tababarka ciidamada Soomaaliya, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee uu Turkigu bixiyo ayaa taageero dhanka cirka ah siiya ciidamada Soomaaliya xilliyada ay socdaan howlgallada milateri ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM

QM oo ku baaqday in Soomaaliya dib u eegto sharciyada la-dagaalanka argagixisada, xilli xasaasi ah

Wuxuu xusay in dambiyo aan dil la xiriirin ay haddana keeni karaan xukun dil ah, taasoo aan la jaanqaadayn shuruucda caalamiga ah.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:09AM