Askar ciidanka Booliiska Soomaaliya ka tirsan oo xabsi loo taxaabey

Image

MUQDISHO- Saddex taliye oo ka tirsan ciidamadda Booliska Soomaaliya ayaa lagu waramayaa in loo taxaabey Xabsi ku yaala magaaladda Muqdisho, sida ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Xubnaha ayaa kala ah, Gaashaanle  Dhexe Cabdirisaaq Soomane Xuseen [Taliyaha Ciidanka  Booliska saldhiga degmada Warta Nabadda] Alifle Cabdi Cumar Isaaq [taliyaha Baarista Dambiyada Saldhiga] iyo Kormeere Labaad Cabdifitaax Maxamuud Cabdi.

Askartaan ayaa waxaa la tilmaamay in lasoo xiray kadib markii xafiiska xeer-ilaaliyaha Qaranka uu kusoo eedeeyay inay qaateen lacago laaluush, taasoo musuq-maasuq lagu tilmaamay, wallow aanan lala ogayn waxay ku bedasheen lacagta ay qaateen.

Maxkamadda ciidamadda Qalabka sidda ee dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay bixisay amarka lagu soo xiray saddexdaan sarkaal, islamarkaana la marsiin doono baaritaan ku saabsan eedaymaha loosoo jeediyay.

Mudooyinkii dambe dowladda Soomaaliya ayaa dar-dar gelisay olalaha lagu soo xariga loo geysano masuuliyiinta ka tirsan dowladda ee lagu soo eedaynayo musuq-maasuq, taasoo aanan la ogayn ujeeda dhabta ah ka dambeysay.

Labo maalin ka hor ayay ahayd markii ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ay damceen iney xabsiga u taxaabeen wasiir ku xigeenka Wasaaradaha Arrimaha Dibada, kaasoo musuq lagu soo eedeeyay musumaasuq inkasta oo war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada lagu beeniyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM