Askar ka tirsanaa booliska oo lagu fuliyey xukun dil toogasho ah

Image
Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa bilihii lasoo dhaafay kordhisay xukunada dilalka ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Labo askari oo ka tirsanaa ciidamada booliska Soomaaliya ayaa Isniinta maanta ah waxaa lagu fuliyay dil toogasho ah, kaddib markii lagu helay fal khaarijin ah ah.

Askarta lagu fuliyey qisaasta ayaa lagu kala magacaabi jiray Cabdishakuur Axmed Maxamuud iyo Cabdi Jamaal Cabdullaahi, sidda ay caddeysay warbaahinta ku hadasha afka garsoorka.

C/shakuur ayaa lagu helay inuu dilay Xasan Maxamed Shire oo isna ka tirsanaa ciidamada Booliska, halka Cabdi Jamaal C/llaahi Xayle lagu helay dambi ah inuu dil iyo dhac u geystay C/xakiin Maxamuud Khaliif.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa bilihii lasoo dhaafay kordhisay xukunada dilalka ah, iyadoo tan iyo bilowgii sanadkan tobanaan ruux xukuno dil ah lagu fuliyay.

Inta badan dadka xukunka lagu fuliyay ayaa ahaa saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ama dagaalyahannada Al-Shabaab, kuwaasi oo maxkamadda ciidamada ay ku heshay dambiyo dil ah.

Xukunka dilka ah ayaa si degdeg ah loo fuliyay, iyadoo qaarkood lagu fuliyay muddo toddobaadyo gudahood ah. Dowladda federaalka ayaa talaabadan ku difaacdey "wanaajinta hanaanka cadaalada".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM