Askar ku baxdey fashilinta hub loosoo waday Soomaaliya oo la la'yahay

Image
Hubkan ayaa lagu waramay inuu waday doon ay leedahay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Fahfaahin dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgalka doonayeen in ay fulinayeen labada askari Ameerikaanka ah ee lagu waayay Gacanka Cadmeed todobaadkan.

Askartan oo qeyb ka ahaa maraakiib iyo diyaarado dagaal oo ay leeyihiin ciidamadda Mareykanka ayaa doonayay in ay qabtaan doon ay leedahay Iiraan oo wadday hub sharci darro ah.

Sidda ay tabisay saxaafadda, ciidamada badda Mareykanka ayaa rumeysan doonidaasi tahay mid taariikh u leh in hubka sharci darrada ah laga soo daabulo dalka Iran, lana geeyo Soomaaliya.

Hubka saarnaa doontaas ayaa, sidda laga soo xigtay warbixinadda, waxa ay ahaayeen gantaaladda nooca ridada dhexe ah kuwaas oo ay farsameeyaan warshadaha Iiraan.

Labada askari ayaa wali la la'yahay iyadda oo baadigoobkooda uu wali soconayo ayna ka qeyb-qaadanayaan maraakiibta dagaalka iyo ciidamadda badda ee Mareykanka.

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo illaa haatan kasoo baxay dhanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan oo ku aadan qaddiyadan.

Iiraan ayaa kamid ah dalalka lala xiriiriyo in ay si qarsoodi ah hub sharci darro ah kusoo geliyaan gudaha Soomaaliya kuwaas oo aakhirkii ku dhamaada gacanka dagaalameyaasha Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM