Askar ku geeriyootay weerar ka dhacay HirShabelle

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Kolanyo ciidan oo ka baxay Muqdisho ayaa Arbacada maanta ah waxaa lagu qarxiyey duleedka degmadda Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, sidda ay xaqiijiyeen saraakiil iyo dadka degaanka.

Ciidamadda la beegsaday oo ahaa milatari ayaa, sidda ay xoguhu caddeynayaan, waxaa qaraxa lagula eegtay inta u dhaxeysa Balcad iyo tuuladda Gololey. Qaraxa kadib waxaa la maqlay rasaas u dhaxeysa dabley iyo askarta.

Dableyda ka tirsan Al-Shabaab ayaa u muuqday kuwa loo qorsheeyay in ay weerar jid gal ah ku ekeeyaan ciidamadda marka uu qaraxu dhaco.

Al-Shabaab oo ka hadashay weerarkan ayaa xustey in ay ku dishay shan kamid ah ciidamadii saarnaa gaariga. Balse, ma jiro wax kasoo ciidanka.

Goobjoogeyaal ayaa u sheegay Garowe Online in Al-Shabaab ay gubeen gaari Cabdi Bilaha ah oo gurmad ahaan ugu socday ciidanka la qarxiyey.

"Ciidamadda la qarxiyey waxay sameeyeen iska-caabin xoogan. Laakiin, waxaa khasaaraha badan gaarsiiyey in aysan u diyaarsaneyn weerarka oo ahaa mid lagu kadiyey," ayuu hadalkiisa ku daray goobjoogaha u waramay GO.

Wadada isku xirta Muqdisho iyo magaalooyinka gobolada Shabeellaha Hoose iyo Dhexe ayaa aalaaba waxay xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ku qarxiyeen ciidamadda dowladda mana muuqdo qorshe looga hortagayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM