Askar lagu laayey weerar ka dhacay duleedka Muqdisho

Image

BALCAD, Soomaaliya - Ugu yaraan 10 askari oo ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa lagu dilay weerar isagu jira qaraxyo iyo mid toos ah oo lagula beegsaday wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar, maanta oo Sabti ah, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha.

Qaraxyadda oo ahaa labo – oo kala dhacay waqtiyo kala duwan - islamarkaana lala beegsaday labo gaari – Cabdi Bile iyo gaari nooca raaxada ah – ayaa midkii koowaad waxaa xigay weerar toos ah, kaasi oo dhabagal ahaa.

Gaariga Cabdi Bilaha oo iska hor-imaadka lagala hortagay kana ka dhashay dagaal fool ka fool ah ayaa lasoo sheegayaa inay socotay is-rasaasaynta dhowr daqiiqadood xili ay udhaxaysay rag hubeysan oo Shabaab ah iyo ciidamada.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in labada gaari ay waxyeelo kasoo gaartay Qaraxyadda iyadda oo fahfaahinada qaarkood ay tibaaxayaan inay ku gubteen weeraradaasi, wallow aanan la xaqiijin karin.

“Ciidamada waxaa la bartilmaameedsaday iyaga oo maraya duleedka degmada Balcad…Khasaaro dhimasho iyo dhaawacba way jiraan,” ayuu yiri sarkaal ka gaabsaday inuu magaciisa baahiyo, oo u waramay warsidaha GO.

Ma jiro war qoraal ah oo ay xoogaga Al-Shabaab ee gacan-saarka la leh Ururwaynaha Al-qaacida kasoo saartay weerarkaan jidgalka ah oo ay ku qaaday Kolanyada ka tirsan ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

Inta badan gaadiidka ay la socdaan ciidamada xooga iyo masuuliyiinta gobolka iyo maamulka HirShabelle ee adeegsada wadada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar ayaa la kulma weeraro jidgal ah, kuwaasi oo khasaarooyin geystay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM