Askari darawal u dilay 10-kun shilin Soomaali oo la qabtey

Image

JOWHAR, HirShabelle - Askari ka tirsan milatariga Soomaaliya oo darawal gaari u dilay 10-kun shilin Soomaali ah ayaa Talaadada maanta ah la qabtey, sidda ay ku warantey warbaahinta maxaliga ah.

Falkan ayaa isla maanta waxa uu ka dhacay duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Sawirka askariga ayaa si weyn loogu faafiyey baraha bulshadda.

Marxuumka ayaa magaciisu ahaa Saylac Cabdulle Aw-Axmed. Xubno kamid ah qoyskiisa ayaa u sheegay saxaafadda in muran uu dhexmaray labada dhinac kahor inta aysan dhicin toogashadda.

"Meesha ay wax ka dhaceen waa isbaaro. Saylac wuxuu haayay 190-kun shilin Soomaali, isbaaradana waxaa la iska qaadaa 200-kun shilin Soomaali," ayuu yiri qof kamid ah ehelka marxuumka.

Wuxuu raaciyey: "Isbaarada waxaa joogtey laba askari. Mid kamid ah wuxuu ogolaadey in ay qaataan 190-kun, balse kan dilka geysan doona ayaa soo istaagay rasaas kusoo riday Saylac sidaas ayuuna ku dhintey".

Sidda ay sheegayaan warbixinadda, Maxkamadda Ciidanka ayaa la wareegtay askariga la sheegay in uu ka dambeeyay toogashadda. Illaa haatan, ma jiro wax war ah oo kasoo baxay xeerbeegtada maxkamadda.

Saddex maalmood kahor, madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo socdaal kusoo maray gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ka digay isbaarooyinka wuxuu xusay in qofkii shacab dila uu mari doono ciqaabteeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo Saraakiil Ciidan kula shiray Baydhabo

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:55AM

Dowladda oo billowday bixinta kaararka codbixinta doorashada xili uu jira khilaaf

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku adkaystay in doorashadu ay dhici doonto waqtigeeda.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:04AM