Askari hore kuna lug lahaa weerarkii Aadan Cadde oo la xukumay

Image
Milatariga ayuu kamid ahaa ilaa dowladdii Cabdullaahi Yusuf kahor inta uusan ku harin diiwaan-gelinta casriga ah 2018-dii.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamada Ciidamada Soomaaliya ayaa Arbacada maanta ah waxay dil toogasho ku xukuntey Maxamed Cabdulle Nuur Abkow (Biyamaalow), sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay xeer-beegtada.

Biyamaalow ayaa lagu helay in uu ku lug lahaa weeraro loo adeegsadey qaraxyo oo ka dhacay caasimadda kuna jiro duulaankii 23-kii Maarso ee sanadkan 2022 ay Al-Shabaab ku beegsatay madaarka Aadan Cadde.

Sida ku xusan go'aanka maxkamadda, xukunsanaha ayaa si gaar ah loogu haystaa in uu qaatay kaalin fududeyn ah "maadaama gaarigiisa gaarka ah uu labada dabley ah uu ku gudbiyey".

"Waxaana abaabulka Biyamaalow ku naf waayay allah unaxariisto Cabdirisaaq Aabi Cali oo kamid ah Halyeeyadii soo afjarayay weerarkaas, waxaana jiro khasaara gaaray Saaxiibbo kale oo joogay goobta gaarka ah ay isku fara saareen Maleeshiyada Weerarka ahaa iyo Ciidamada gaarka ah Ee Haramcad," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka uu arkay Garowe Online.

Askari hore oo la xagjireeyay

36-sano jirkan ku dhashay degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose ayaa lagu waramay in uu kamid ahaa milatariga Soomaaliya laga soo bilaabo dowladdii madaxwayne Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

"Waxa uu ka haray liiska Ciidamada Xoogga Dalka xilligii dib-u-habaynta electronic ahayd ee xukuumadii madaxweyne Farmaajo 2018," ayaa la raaciyey nuqul kamid ah xukunka maxkamadda.

Xafiiska xeer-ilaalinta iyo hay'adda sirdoonka qaranka ayaa laga soo xigtey in ay caddeeyeen in Biyamaalow uu bilaabay in uu la shaqeeyo Al-Shabaab "una qaabilsanaa gudbinta qaraxyada baabuurta ee Muqdisho".

"Waxa uu isticmaalayay magaciisa iyo kaarkiisa aqoonsiga isago oo aan ku jirin liiska saraakiisha oo uu mar ka gaaray laba xidigle," ayay warisay warbaahinta Garsoor ee ku hadasha afka maxkamadda.

Shaki laga gaabiyey in lala tacaalo

Warbixinta warbaahinta Garsoor ayaa intaas ku dartey in Biyamaalow uu kasoo mid noqdey ciidanka ilaalada gaarka ah ee xarunta Golaha Shacabka "ayna xilligaas shaki badan ka qabeen hogaanka ciidamada".

"September 19 keedii 2019 ayaa lagu helay in uu qarax geeyay Ururka 38 aad ee degan Villa Baydhabo," ayay xogta sii raacisay. "23 kii March Sanadkan ayuu ku geliyay gaarigiisa garoonka diyaaradaha laba dhagar-qabe oo ka tirsan Argagixisada".

Sideedii bishan ayay soo gaba gabowday Maxkamadaynta Maxamed Cabdulle Nuur Abkow. Caddeymaha la hor-geeyay maxkaamdda waxaa kamid ahaa muuqaalo ay duubeen kaamirooyinka qarsoon ee CCTV.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabkasida oo ku dhawaaqay xukunka maxkamadda, ayaa sheegay in Biyamaalow uu haysto fursad uu rafcaan ku qaadan karo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cudur ka dilaacay Soomaaliya oo 120 qof ku dhimatay

Waxay sheegtay in heerka dhimashadu uu waxyar ka sarreeyo heerka heerka degdegga ah ee Ururka WHO oo ka yar ama la mid ah 1 boqolkiiba.

  • Soomaliya

    20-05-2024

  • 12:52PM

Sheekh Shariif oo kahor-yimid go'aanadii Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran

Puntland ayaa sidoo kale diiday ka qeybgalka Shirka iyo natiijadii kasoo baxday, iyadoo eedeymo culus u jeedisay Madaxweyne Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 11:11AM