Askari khaarijiyey arday ku dhawaaqaya "ha idilin" oo la xukumay

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamada Ciidamada Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah waxay dil toogasho garka u gelisay askari ka tirsanaa xoogaga booliska.

Dable Baashi Mustaf Cumar [Dhaqane] ayaa waxaa lagu soo eedeeyay in uu 26-kii July sanadkan 2019 uu degmada Xamar-jabab, gobolka Banaadir ku dilay arday.

Laamaha ammaanka oo isla goobta ku qabtay dhigayna xabsiga ayaa waxay muddo kadib ku wareejiyay xeer-ilaalinta oo ka gedaal maxkamadeynta bilowday.

Sheikh Nuur Maxamed Maxamuud, oo dhiganayey dugsi, ayaa xiliga uu falku dhacayey ku dhawaaqay "ha idilin" sida ay ku marag-fureen laba marqaatiyeyaal.

Xeer-ilaalinta oo xukunka dil toogashada soo jeedisay ayaa waxay kusoo oogtay Dhaqan inuu "ku xadgudbay sharafka ciidanka iyo ilaalinta muwaadinka".

Qareenada difaacaya oo qiray in kal-yeenitooga uu falku ku kacay ayaa waxay u dalbeen naxariis maadaama "uu ahaa qof aan miirkiisa joogin" oo maan-dooriye adeegsaday.

"Go’aanka Maxkamadda waxaa ka furan rafcaan muddo ku siman bil," ayuu yiri Xasan Cali Nuur Shuute, gudoomiyaha xeer-beegtadda, oo xukunka shaaciyay.

Askarta Soomaaliya ayaa meelo kala duwan ee dalka ah dilal iyo dhaawacyo ugu geysta rayidka, waana naadir in cadaalad ay helaan dhibaneyaasha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM