Askari ku lug-yeeshay dil qof shacab ahaa loogu geystay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Askari ka tirsan ciidamadda dowlada federaalka Soomaaliya ayaa lagu waramay in uu ku lug-yeeshay dil xalay ka dhacay xaafada Warshada Caanaha, degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in askariga uu rasaas ku furay Mooto uu la socday dhibanaha, taas oo sababtay geerida qof shacab ah oo saarnaa. Marxuumadda waxaa lagu sheegay gabar la yiraahdo Xamdi C/llaahi.

Gacan ku dhiiglaha ayaa lasoo wariyey in uu ka baxsaday meesha uu falku ka dhacay oo ay soo gaareen ciidamo ka akdhowaa. Balse, howlgal la sameeyay waxaa lagu guuleystay in lasoo qabto.

Illaa iyo haatan lama ogga sababta keentay in askariga uu rasaaseeyo Mootadda oo ah nooca ay Soomaalida u taqaano Bajaajta.

Laamaha ammaanka xukuumadda federaalka ah ayaanan wali wax war ah kasoo saarin dhacdadaan oo kamid noqoneysa kuwa soo laab-laabtey oo waliba xoogeystay bilooyinkii aynu kasoo gudubnay.

Marxuumadda ayaa kusii jeeday hoygeeda isla markaana ay ka timid goobteeda shaqo oo ah Salon – Goobaha dumarka lagu qarxiyo.

Ku dhowaad saddex qof oo rayid ah ayaa kaliya bishaan June sababsaday gacanta ciidamadda dowladda, badankooda waxaa loo dilay lacago laaluush ah oo ay diideen in ay bixiyaan, qaarkood waa maxkamad sugayaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Ciraaq oo is-dhaafsanaya khibradaha dhanka amniga

Xamsa ayaa dalka Baxreyn kula kulmay Madaxweynaha Dalka Ciraaq, Abdul Latif Rashid.

  • Soomaliya

    16-05-2024

  • 03:28AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM