Askari la la'yahay iyo Meydad lasoo bandhigay kadib weerarkii Sanguuni

Image

SANGUUNI, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay inay weerarkii ay Isniintii ku qaadeen Saldhiga degaanka Sanguuni ay nolosha ku qabatay Labo askari, kuwaasoo ay kusoo bandhigeen magaalada Jamaame, oo ku dhaw Kismaayo.

Sidoo kale, waxay soo bandhigtay Shabaab meydadka Lix kamid ah askar ay sheegeen inay ku dileen isla weerarkii shalay dhacay, kaasoo illaa iyo haatan aan la ogayn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay.

Dhanka kale, Korneel Mukhtaar Axmed Xuseen oo kamid ah saraakiisha ciidamadda maamulka Jubbaland oo ka hadlay arrintaan ku aadan meydadka iyo Askarta nool ee Al-Shabaab soo bandhigtay ayaa waxba waxba kama jiraan tilmaamay warkan.

Mukhtaar ayaa hadalkiisa ku daray in kadib tirro-koob ay ku sameeyeen ciidankooda ay usoo baxday inuusan jirin hal Askari oo ka maqan, islamarkaana warka Al-Shabaab uu yahay "been aan sal ahayn".

Dadka degaanka magaaladda Jamaame ayaa kusoo waramaya in Al-Shabaab ay meel Fagaare ah kusoo bandhigtay Meydka labo Askari iyagoo xiran dareeska/tuutaha ciidamadda xooga dalka.

Weerarkii lagu qaaday Sadhiga Saguuni, oo ahaa mid xoogan, oo loo adeegsaday Gaari Xamuul ah, ayay Al-Shabaab sheegatay inay ku dishay 27 Askar, halka dhanka dowladduna sheegeyso in 87 Shabaab ah dishay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM