Askari Mareykanka ah oo lagu dilay Soomaaliya

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in hal askari looga dilay, 4 kalena looga dhaawacay weerar ka dhacay shalay oo Jimco ahayd Koonfurta Soomaaliya.

Weerarka lagu dilay Askari ayaa ka dhacay deegaanka Baar-Sanguuni, oo ku dhaw degmada Jamaame, taasi oo qiyaastii 45KM dhanka waqooyi uga beegan magaalada Kismaayo, ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Wasaaradda difaaca Mareykanka ayaa xaqiijisay in Hoobiyaal lagu weeraray Ciidamada Mareykanka xilli ay ku sugnaayeen xero military oo tababar ku siinayeen Ciidamada dowalada Soomaaliya iyo kuwa Kenya.

Weerarka madaafiicda kadib, waxaa jiray dagaal fool-ka-fool ah oo labada dhinac dhexmaray, kaasi oo la sheegay inuu socday mudo saacaado ah, islamarkaana khasaarooyin kala duwan sababay.

Lama oga in Askari uu ku dhintay hoobiyaasha ama dagaalka.

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa [AFRICOM], oo dusha kala socda howlgallada qaaradda ayaa soo saarey War qoraal ah oo uu ku xaqiijiyay dhacdadan lagu dilay Askari, sidoo kalena lagu dhaawacay afarta kale.

AFRICOM ayaa sheegtay in hal Askari uu u dhashay Kenya uu kamid yahay Askarta ku dhaawacantay weerarka Al-Shabaab kuwaasi oo goobta looga soo qaadey diyaaradda Helicopter ah, waxaana la dhigay Isbitaal military oo aan la sheegin halka uu ku yaallo.

Al-Shabaab oo sheegatay mas'uuliyadda weerarka ayaa ku faantay inay dishay Askari American ah, islamarkaana ay dhaawacday 4 kale, iyadoo khasaarahana uu noqonayo kii ugu horeeyay oo Mareykanka sanadkan kasoo gaarey howlgalkiisa Soomaaliya.

Bishii May, 2017, Askari Mareykanka ah kana tirsanaa Ciidamada sida gaarka u tababaran ee Navy SEAL ayaa lagu dilay duleedka deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii iyagoo howlgal ku jiray lasoo weeraray.

Mareykanka ayaa 18 Askari looga dilay Muqdisho 1993 kadib markii lasoo riday diyaaradoodii Helicopter-ka ee "Black Hawk Down" xilligii howlgalka caalamiga ee Soomaaliya.

Hadda waxaa Mareykanka ka jooga Soomaaliya Askar lagu qiyaaso illaa 500 kuwaasi oo la-talin iyo Tababaro siiya Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, waxaana mararka qaar ka qeyb-qaataan howlgallada gaarka ee ka dhanka ah Al Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM