Askari shan shilin Somali kun qof u dilay oo la xukumay  

Image
Abuubakar iyo dadka degmadiisa Xamar Weyne oo aanan wax adeeg la taaban karo ka helin dowladda hoose.

MUQDISHO, Soomaaliya - Askari ka tirsan ciidanka dowladda hoose ee Muqdisho oo maalintii Talaadada qof rayid ah ku diley degmada Xamar Weyne ee Muqdisho sabab la xiriirta shan kun shilin oo canshuur ah ayaa lagu xukumay dil toogasho ah shan maalmood kadib markii uu dilka dhacay.

Abuubakar Maxamed Nuuraani oo 65 jir ahaa, kana mid ahaa dadka degaanka Xamar weyna ayuu askari dowladda ka tirsan ku diley gurigiisa hortiisa, halkaas oo uu ku haystay ganacsi aad u yar kadib markii, sida la sheegay, ay ku murmeen lacag shan kun ah oo canshuur ah.

Abuubakar iyo dadka degmadiisa Xamar Weyne oo aanan wax adeeg la taaban karo ka helin dowladda hoose, ayaa haddane ku qasban in ay bixiyaan canshuurta, taasi oo marar badan si awood sheegasho ah looga qaado, illaa heer hadda ay dil marayso.

Maxkamadda Ciidanka oo qaati taagan

Inkasta oo si degdeg ah loo xukumay askariga, lagana yaabo in si dhaqso ah loo fuliyo xukunka, ayaa haddane waxaa jira culeys iyo cabasho ay sheeganayaan garsooreyaasha maxkamadda ciidanka.

Col Shuute oo ah guddoomiyaha maxkamadda ciidanka oo maalmo ka hor ka hadlayay shirkii garsoorka ee Muqdisho lagu qabtay ayaa xusay in sanadkii hore ay dil ku xukumeen wax ka badan boqol qof, balse dadka lagu fuliyay xukunkaasi ay aad u yaryihiin.

Wuxuu sababta ku sheegay in beelaha ay ka kala dhasheen labada qof ay diyo kala qaataan, kuna heshiiyaan bannaanka, iyaga oo xukunka maxkamadda u isticmaala in ay ku bisleystaan diyada qofka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo meel fagaaro ah kala hadlay dadweyne tiro badan ayaa isaga ballan-qaaday in askari kasta oo dil gaysta la marinayo waxa ay diinta iyo xeerarka dalka ka qabaan, isaga oo si gaar ah u sheegey in ninkii lagu diley Xamar Weyne caddaaladda si degdeg ah loo marsiin doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo isku keenay xulafadiisa Baydhabo xilli loolan adag loogu jiro hoggaanka Koonfur Galbeed

Dadaalladan isku xirka ah ayaa lagu soo beegay xilli la shaaciyay in doorasho qof iyo cod ah ay magaalada ka dhici doonto 28-ka April.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 10:48AM

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM