Askari u dhashay Uganda oo lagu dilay qarax ka dhacay Soomaaliya

Image
Qaraxa ayaa ka dhacay tuulada Ceel-Werigow oo qiyaastii 70-km Koonfur-galbeed kaga beegan Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Uganda ee ka howlgala Soomaaliya ayaa la dilay lix askari oo kalena waa lagu dhaawacay kadib markii kolonyadooda ay ku qaraxday miino wadada dhinaceeda lagu aasay.

Uganda ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga ilaa 5,000 oo askari oo ka tirsan howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya kaas oo magaciisa loosoo gaabiyo ATMIS.

Major Patrick Opio Away ayaa lagu dilay qarax ka dhacay tuulada Ceel-Werigow oo qiyaastii 70-km Koonfur-galbeed kaga beegan caasimadda Muqdisho Axaddii lasoo dhaafay, sida uu sheegay afhayeenka ciidamada Uganda, Ibraahim Kasule Sekitto.

Away ayaa kolonyada la socday oo ka ambabaxay Muqdisho kuna sii jeeday deegaanka Ceeljaale ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida uu Sekitto u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

"Weerarkan nagama celin doono hadafkeenna, taa beddelkeeda wuxuu adkeyn doonaa go'aankeenna ah inaan sii wadno taageerada dadaallada nabadeed ee Soomaaliya," ayuu yiri.

Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkan. Hase ahaatee, saraakiisha ammaanka waxa ay ku eedeeyeen dagaalameyaasha Al-Shabaab.

Al Shabaab ayaa in ka badan 10 sano waxa ay u dagaalamayeen sidii ay u dumin lahaayeen dowladda dhexe ee Soomaaliya, isla markaana ay ku soo dabaali lahaayeen xukunkooda ku saleysan tafsiirka adag ee shareecada Islaamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM