Askarta loo diray Eritrea oo loosoo celinayo "qorshe gurracan"

Image
Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaan wali wax war ah kasoo saarin eedeyntan.

MUQDISHO, Soomaaliya – Askarta loo diray Eritrea ayaa loosoo celinayaa si loo abaabulo "dagaal ahli ah," sida uu shaaca ka dhigay musharax madaxwayne kaasoo sheegay in madaxweynaha waqtigu ka dhacay "uusan rabin nabad".

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeeda Wadajir oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga, ayaa xusay in Farmaajo qorsheynayo in uu ciidankaas u adeegsado in uu xukunka ku haysto.

Sida laga soo xigtey Warsame, taliska Farmaajo ayaa doonaya in uu si gaar ah ciidankaas ugu adeegsado in uu ku qabsado magaalooyinka Muqdisho, Bu’aale, fariisinka Al-Shabaab, iyo Garowe, caasimadda dowladda Puntland.

"Shalay markii Eritrea loo qaadayey waa la siray, waxaana loo sheegay in Qatar la geynayo oo ay noqonayaan askar ilaalisa ciyaaraha adduunka," ayuu hoosta ka xariiqay.

Wuxuu raaciyey: "Qaarkood iyagoo ajnabi u diriraya ayey dhinteen, halka kuwa kale ay ciqaab, cudur iyo gaajo dishay Dhowr kun oo kale ayaa dhowaan la soo wadaa, si dagaal ahli loo geliyo oo dalka xoog loogu qabsado".

"Qorshuhu waa in Baydhabo, Muqdisho iyo Gaalkacyo laga dejiyo, si Bu’aale, Muqdisho iyo Garawe loogu qabsado. Soomaaliyey Farmaajo nin xukun nabad iyo doorasho ku dhiibaya maaha, ee waa in aan iska qabannaa inta uusan fidno weyn iyo dagaal sokeeye lugaha inoo gelin," ayuu yiri.

Warsame ayaa kusoo xiray: "Waaliddiinta horay loo siray waa in aysan oggolaan in ubadkooda la halligo oo dabka lagu guro, inaguna waan la duubanahay sidii aan horay ula jirnay".

Dhanka kale, warsidaha Garowe Online ayaan si madax-banaan u xaqiijin karin sheegashooyinka kasoo yeeray siyaasi Warsame. Dowladda Soomaaliya ayaan wali wax war ah kasoo saarin eedeyntan. Isku dayo xiriir ayaan ka jawaabin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM