ATMIS oo ka hadashay qorshaha xakameynta hubka ee dowladda

Image
Taliyaha qeybta booliska ATMIS, Hillary Sao Kanu, ayaa caddeysay mowqifka taliskooda ee qaddiyadan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa caddeeyay mowqifkooda qorshaha xakameynta hubka ee ay ku dhawaaqdey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Taliyaha qeybta booliska ATMIS, Hillary Sao Kanu oo Khamiista maanta ah warbaahinta kula hadashay Muqdisho, ayaa caddeysay in illaa haatan aysan xukuumadda kusoo wargelin arrintan.

Kanu oo hadalkeeda sii wadata ayaa waxay hoosta ka xariiqdey in ay waqti-xaadirkan aysan dooneyn in ay faragelin ku sameeyaan qorshahan "illaa laga qeexayo kaalinta aan qaadaneyno".

"Tafaasiisha qorshaha hub ka dhigista ee ay ku dhawaaqdey Dowladda Federaalka Soomaaliya wali nama soo gaarin. Balse marka aan helno dukumiintiyadda ayaan ogaan karnaa kaalinta aan ku leenahay. Inta ka horeysa, ma faragelinayno," ayay tibaaxdey.

Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqdey in gudaha caasimadda Muqdisho aan lagu dhex-qaadin hubka waaweyn si loo kala saaro ciidamadda iyo ilaaladda siyaasiyiinta.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhawaajiyay in qorshahan looga dan-leeyahay in looga hortago falal liddi ku ah nabad-gelyadda oo ay geysan karaan dabley isku soo ekeysiisa ciidamadda.

Isaga oo ka hadlayay masjidka ku dhex-yaalla Villa Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa ku nuux-nuux-sadey in askarta ilaalisa baraha kontaroolada ay amar ku haystaan hubinta gaadiidka mas'uuliyiinta dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM