ATMIS oo lagala hadlay “Soomaaliya ka caaggan Khawaarijta”

Image
Wasiirka cusub ee amniga ayaa la kulmay madaxa howlgalkan iyo wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Maxamed El-Amine Souef iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka ATMIS.

Wasiirka iyo Ergayga ayaa ka wada hadlay wada-shaqeynta dhinacyada amniga iyo la dagaallanka Argagixisada, iyada oo isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga amni ee labada dhinac, isla markaana si joogto ah ay u kala warqaadan doonaan hey’adaha amniga, si loo helo Soomaaliya xasilloon oo ka caaggan Khawaarijta.

General Fartaag Wasiirka Amniga Gudaha, ayaa uga mahadceliyey howlgalka ATMIS doorka ay ka qaataan sidii Soomaaliya looga ciribtiri lahaa argagixisada diiddan horumarka iyo amniga Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM