Soomaaliya: ATMIS oo shaacisey in ay dhimi doonaan Ciidamo dheeraad ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hawlgalka Midowga Afrika ee Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya ayaa ku shaaciyay bogga ay ku leeyihiin baraha bulshada in ay sii wadayaan dhimista tirada dagaalyahanadooda ee jooga Dalka Soomaaliya.

kadib markii ay bilaabeen in ciidamadoodii ay si nidaamsan uga baxaan dalka, tirada dagaalyahannada ATMIS ayaa maanta gaaraya 16 kun, halka la dhimi doono ku dhawaad 2 kun oo kale, taasoo ka dhigeysa tirada guud ee ciidamada 14 kun.

Howlgalka ayaa horay u shaaciyay in tirada ciidamada la dhimi doono wajiga labaad ay gaari doonaan 3 kun oo askari bisha September, taasoo ka duwan tirade ay hadda shaaciyeen.

Hawlgalka ayaa sidoo kale ku nuuxnuuxsaday in wajiga labaad ee tiro dhimista ciidanka ay waajib tahay in la buuxiyo shuruudaha qaar. Waxaana ugu muhiimsan in aan la lumin guulaha muhiimka ah ee la gaaray.

Waxaa xusid mudan in dowladda Jubbaland ay goor sii horeysay sheegtey cabsida ay ka qabto in ciidamada howlgalkaasi ay dib u gurtaan, iyadoo ay sii badatay weerarada Alshabaab ee ku fulinayaan saldhigyada ee ATMIS ku wareejiyeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Jubaland ayaa diidmadeeda ku sababaysay in ciidamada Soomaaliya ay ku adagtahay in ay sugaan ammaanka goobaha ay baneeyeen ciidamada ATMIS. ka bixitaankuna uu abuuri karo jawi munaasib u ah dhaqdhaqaaqyada AS, sida uu hadalka u dhigay Madaxweyne ku xigeynka Koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM