Soomaaliya: ATMIS oo shaacisey in ay dhimi doonaan Ciidamo dheeraad ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hawlgalka Midowga Afrika ee Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya ayaa ku shaaciyay bogga ay ku leeyihiin baraha bulshada in ay sii wadayaan dhimista tirada dagaalyahanadooda ee jooga Dalka Soomaaliya.

kadib markii ay bilaabeen in ciidamadoodii ay si nidaamsan uga baxaan dalka, tirada dagaalyahannada ATMIS ayaa maanta gaaraya 16 kun, halka la dhimi doono ku dhawaad 2 kun oo kale, taasoo ka dhigeysa tirada guud ee ciidamada 14 kun.

Howlgalka ayaa horay u shaaciyay in tirada ciidamada la dhimi doono wajiga labaad ay gaari doonaan 3 kun oo askari bisha September, taasoo ka duwan tirade ay hadda shaaciyeen.

Hawlgalka ayaa sidoo kale ku nuuxnuuxsaday in wajiga labaad ee tiro dhimista ciidanka ay waajib tahay in la buuxiyo shuruudaha qaar. Waxaana ugu muhiimsan in aan la lumin guulaha muhiimka ah ee la gaaray.

Waxaa xusid mudan in dowladda Jubbaland ay goor sii horeysay sheegtey cabsida ay ka qabto in ciidamada howlgalkaasi ay dib u gurtaan, iyadoo ay sii badatay weerarada Alshabaab ee ku fulinayaan saldhigyada ee ATMIS ku wareejiyeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Jubaland ayaa diidmadeeda ku sababaysay in ciidamada Soomaaliya ay ku adagtahay in ay sugaan ammaanka goobaha ay baneeyeen ciidamada ATMIS. ka bixitaankuna uu abuuri karo jawi munaasib u ah dhaqdhaqaaqyada AS, sida uu hadalka u dhigay Madaxweyne ku xigeynka Koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM