ATMIS oo todobo saldhig ku wareejisay ciidanka Soomaaliya

Image
Talaabadan ayaa waxay qeyb ka tahay hirgelinta Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Howlgalka ATMIS ayaa soo gabagabeeyay wajigii koowaad ee dhimista ciidamada, taasi oo looga gol leeyahay in ugu dambeyn ammaanka si buuxda gacanta loogu dhigo ciidamada Soomaaliya.

War saxaafadeed ayaa lagu sheegay in guud ahaan todobo saldhig lagu wareejiyay ciidamada ammaanka Soomaaliya, taasi oo suura galisay in la dhimo 2,000 oo askari illaa 30-kii bishan June.

Madaxa saadka ee ATMIS Bosco Sibondavyi ayaa ku tilmaamay xil wareejinta inay tahay “mid muhiim ah” oo laga gaaray hirgelinta Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya.

Talaabadan ayaa sidoo kale waxa ay waafaqsan tahay qaraarada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee wareejinta mas’uuliyadda amniga, sidda ay sheegtay AFP.

Golaha Ammaanka ayaa Talaadadii dib u cusbooneysiiyay muddo lix bilood ah oggolaanshaha ciidamada Midowga Afrika, kaasoo ku eg dhammaadka Sebtembar oo ay ka baxayaan 3,000 oo askari oo kale.

Ciidamada ATMIS ayaa  ah in ka badan 19,000 oo askari iyo saraakiil booliis ah oo ka kala socday dalal ay ku jiraan Burundi, Itoobiya, Kenya iyo Uganda, balse waa in laga dhigaa ebe eber dhammaadka 2024-ka.

Bishii Abriil 2022, Goluhu wuxuu ansixiyay beddelka AMISOM (Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya), oo la aasaasay 2007, ATMIS, oo ah howlgalka la xoojiyay ee lagula dagaallamayo maleeshiyada Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo digniin culus u diray dowlado shisheeye 

“Ciddii isku dayda inay kala qaybiso Soomaaliya waxay heli doontaa kaliya waqti, dadaal iyo diblomaasiyad khasaaray,” ayuu yiri madaxweynaha.

  • Soomaliya

    16-06-2025

  • 06:03PM

Muxuu La Kulmay Ninkii Kaliya ee Ka Badbaaday Shilkii Diyaaradda ee Ay Ku Dhinteen 242 Qof?

Diyaaradda oo ahayd duulimaadkii AI171 kuna sii jeeday Garoonka Gatwick, ayaa waday….

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 09:16PM