ATMIS: Waa laynay argagixisadii weerartey xeradda Buulo Mareer

Image
Howlgalka Midowga Afrika ayaa shaaciyey in ay ka dabatageen maleyshiyaadkii weerarkaas fulisay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada howlgalka Midowga Africa ee ATMIS iyo dhigooda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay dileen tiro kamid ah dagaalameyaashii Al-Shabaab oo dhawaan weerar ku qaaday xerada Buulo Mareer.

War qoraal ah oo saaka lagu soo daabacay barta twitter-ka ee ATMIS ayaa ciidamadu ku sheegeen inay ku guuleysteen inay baacsadaan argagixisada Al-Shabaab EE baxsad ahAYD AYNA dileen.

Bayaankan oo wax caddeymo ah aan lasoo raacin isla markaana aad u koobnaa ayaa intaas waxa uu ku daray in sidoo kale laga soo furtay hub badan oo laga soo bililiqeystay saldhigga.

Taliska ATMIS ayaa ballan qaaday la dagaalanka argagixisada iyo in ay si dhow ula shaqeeyaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, dowladaha xubnaha ka ah federaalka iyo saaxiibada caalamiga ah si loo sugo Soomaaliya.

"Ciidamada #ATMIS iyo kuwa #XDS ayaa ku guulaystay in ay ka daba tagaan argagixisada Al-Shabaab ee baxsadka ah ee ku lug lahaa weerarkii xerada ciidamada #ATMIS ee Buulo Mareer, iyagoo cagta mariyay tiro aad u badan oo argagixisadu ka mid ah. Ciidamada wadajirka ah ayaa sidoo kale soo furtay hub badan oo laga dhacay xerada Buulo Maree," ayuu taliska yiri.

Bayaanka ayaa intaas ku daray: "#ATMIS waxa weli ka go'an la dagaalanka argagixisada, waxayna sii wadi doontaa in ay si dhow ula shaqeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dawladaha xubnaha ka ah, iyo saaxiibada caalamiga ah si loo sugo amniga #Soomaaliya".

Xoogaga gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida ayaa 26-kii May, 2023 waxay weerar ku bilowday qarax is-miidaamin ah ku qaaday saldhiggan ku yaala magaaladan qiyaastii 120km koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho.

Buulo Mareer ayaa ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose. Illo wareedyo sirdoon waxay xaqiijiyeen in weerarkaas ay maleyshiyaadka xagjirka ah ay ku dileen in ka badan 100 askari.

Ma jiro war cad oo laga soo saaray khasaaraha ka dhashay weerarkaas iyo khasaaraha ka dhashay ciidamada iyo agabka milateri ee la weeraray kuwaasoo wadartooda ay gaareysay in ka badan 200 askari kuna dhaawacmeen tiro kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM