AUN Macalin Cabdiraxmaan Maclow oo lagu aasay Magaalada Muqdisho

Image
Macalin Cabdiraxmaan Maclow ayaa 12-ka bishan lagu dilay gudaha iskuulka Siidii ee degmada Wadajir.

Muqdisho, Soomaaliya - Waxaa saakay salaadii janaasada lagula tukaday isbitaalka Madiina, Macalin Cabdiraxmaan Maclow, oo dhawaan lagu dilay iskuul ku yaala magaalada Muqdisho.

Macalin Macalow waxaa ka qeyb qaatay aaskiisa xubno ka mida qoyska marxuumka,iyo boqolaal shacab ah oo ka damqaday dilkiisa.

Ehellada Marxuumka oo la hadlay warbaahinta ayaa ka codsaday dowladda Inay cadaalad u raadiyaan marxuumka, isla markaana maxkamad la horkeeno ninka falkaan geystay oo haatan Baxsad ah.

Macalin Cabdiraxmaan Maclow ayaa 12-ka bishan lagu dilay gudaha iskuulka Siidii ee degmada Wadajir ka dib markii uu canaantay mid ka mid ah ardeydiisa.

Dilkan ayaa lagu eedeeyay walaalka ardeygii la canaantay, isaga oo isla markii ka baxsaday goobta oo falka ka dhacay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM