Axmed Madoobe shirar siyaasadeed kawada Kismaayo [Sabab]

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa wuxuu kulamo la qaadanayaa Odayaasha dhaqanka iyo wax-garadka degaanada maamulkiisa.

Sida uu fahansan yahay Warsidaha Garowe Online, kulamadaan waxay ku qotomaan sidii xal uu ugu heli lahaa Axmed Madoobe culeyso siyaasadeed oo kasoo food-saarey Mucaaradka, kuwaasoo abaabul kawada gudaha iyo dibadda dalka.
 
Wararka ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu qorsheynayo isbedalo inuu  ku sameeyo hogaanka wasaaradaha maamulkiisa, taasoo uu oga golleeyahay si uu isaga dejiyo culeyskaan lasoo darsay.
 
Mucaaradka ku kacsan Axmed Madoobe ayaa waxay xusul duub ugu jiraan sidii uu uga qaadi  lahaayeen Kursiga uu hadda ku fadhiyo, maadaama doorashadda Jubbaland fooda nagu soo hayso.
 
Meelaha mucaaradka ku shiraan waxaa kamid ah, magaaladda Muqdisho, taasoo walaac uu ka muujiyay Axmed Madoobe, islamarkaana dowladda ku eedeeyay inay iyadda gadaal ka riixeyso abaabulka isaga ka dhanka ah.
 
Xiriirka madaxda dowladda Federaalka iyo Jubbaland ma uusan fiicnayn tan iyo markii ay isku maan-dhaafeen arrimaha Khaliijka, oo Axmed Madoobe Villa Soomaaliya ku eedeeyay inay Qadar la safatay.
 
Illo ku dhaw kulamada Axmed Madoobe kawado Kismaayo ayaa GO u dusiyay in hogaamiyaha Jubbaland uu hadda sidoo kale ku fekerayo inuu sameysto "mudo kororsi" aan sharci ahayn marka uu waqtigiisa dhamaado.
 
Doorashadda Jubbaland ayaa loo madalsan yahay inay dhacdo sanadka soo aadan 2019-ka, iyadoo hada ay soo ifbaxayaan diyaar-garow mucaaradka ugu jiraan sidii Axmed Madoobe uga guuleysan lahaayeen.
 
GAROWE ONLINE

Related Articles

Laba Wasiir oo ka tirsan Dowladda Federaalka oo is casilay kadib ansixinta dastuurka cusub

“Shacabka Puntland ayaa kursigan ii igmaday,” ayuu yiri. “Ma ka mid noqon karo waxyeello gaarsiinaya iyaga iyo dowladdooda.”

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 05:33AM

Baarlamaanka Soomaaliya oo Meel-mariyey Wax-ka-beddelka Dastuurka xilli ay jirto Diidamo xooggan

Diidmadan ka timid Gollaa Mustaqbalka Soomaaliyeed, ayaa kusoo aadaysa xilli ay socdaan baaqyo ku aaddan in la ilaaliyo midnimada.

  • Soomaliya

    04-03-2026

  • 01:57PM