Axmed Madoobe bilado u xiray askar iska-celisay AS [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

KISMAYO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqasho Tariikhi ah oo dhiiri galin ah ugu tagay Ciidamada Darawiishta Jubaland gaar ahaan guutada Birjeex ee fadhigoodu yahay deegaanka Buuloxaaji halkaas oo Maalinkii isniinta ahayd ee 22-Luulyo-2024 ay ka fuliyeen howlgal tariikhda galay oo lagu dilay in ka badan 135 Khawaariij ah.

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay Ciidamada geesiyada ah guusha weyn ee ay ka gaareen dagaalkaas isagoo xusay in guushaas ay tahay mid ay ku faanayaan dhammaan ummada Soomaaliyeed loona baahan yahay in la joogteeyo oo halkeeda laga sii wado.

Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in cadowgu uu tabar yaryahay loona baahan yahay in la is raaciyo iyadoo wax badan laga bartay dhagartiisa hada kadibna Soomaali oo dhan ay aragtay in laga adkaan karo.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in geesinimada iyo halyeeynimada ay muujiyeen guutada Birjeex ay tahay mid ka farxisay qof walba oo la daala dhacayay dhibaatada Khawaariijtu ay ku hayso shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamada ayuu Madaxweynahu ku booriyay in loo baahan yahay dadaal kii hore ka badan iyo naf hurnimo si loo xaqiijiyo hadafka guud ee ah sidii dalka oo dhan looga sifayn lahaa Khawaariijta.

Waxaa Madaxweynahu uu Alle uga baryay in uu naxariistii jano ka waraabiyo halyeeyada ku shihiiday dagaalka isagoo Caafimaad taam ah u rajeeyay kuwa dhaawaca ah ee naftooda u huray difaaca dalkooda iyo dadkooda.

Madaxweynaha ayaa bilad geesinimo gudoonsiiyay Gaashanle Sare Cabdi Kaafi Dayib Axmed Taliyaha guutada Birjeex ee Ciidamada Darawiishta Jubaland Gaashanle Sare Bashiir guhaad Xasan abaanduulaha guutada Birjeex iyo Gaashanle dhexe Axmed Cabdi Shafeec.

Sidoo Kale Madaxweynaha ayaa mid hal darajo dalacsiiyay dhammaan Ciidamada guutada Birjeex ee Ciidamada Darawiishta Jubaland ee dhagta dhiiga u daray Khawaariijta banaysatay dhiiga ummada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa waxaa booqashadan Tariikhiga ah ku wehelinayay Masuuliyiin katirsan golayaasha kala duwan ee Dowladda iyo Sheekh Cabdiqani Qorane oo Ciidamada ku dhiirigalinayay dagaalka xaqa ah ee ay ku jiraan kuna boorinayay inay Alle ugu dhawaadan sidii dalka oo dhan looga sifayn lahaa khawaariijta hororka ah.

War-Saxaafadeed

Related Articles

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM