Axmed Madoobe: Bu'aale waa la xoreyn doonaa wakhtiyada dhow

Image
Madaxweynaha Jubaland ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad tababar loogu soo xiray 150 askari.

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe], ayaa Sabtida maanta ah waxa uu tababar u soo xiray dufcada lixaad ee Ciidamada Booliska Jubaland oo qaatay tababar kala duwan.

Dufcadan oo ka kooban qeybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska gaar ahaan qeybta ka hortaga danbiyada, danbi baarista, ka hortaga rabshadaha iyo Booliska Sida gaarka ah u tababar ayaa gaaraya 150 askari iyadoo maanta tababarka loogu soo xiray Akadeeniyada Ciidanka Booliska Jubaland ee gobolka Jubada Hoose.

"Ciidamadan ayaa loogu tala galay inay la wareegan amniga deeganada laga xoreeyay kooxaha Argagixisada ah ee howglgalka ka dhanka ah ay wadaan Ciidamada kala duwan ee Jubaland iyo ciidamada xooga dalka," ayuu yiri xafiiska Axmed Madoobe.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Howlgalka lagu xoraynayo deegaanada Jubaland ee dhawaan bilowday ayaa ilaa hada lagu xoreeyay Deegaanada Aw qumbaale, Shandarmood, Ceelcad, Gubakibir, Canjeel iyo Janaa Cabdalle iyadoo Ciidamadan ay durba ka howlgali doonan deegaanadaas ay xoreeyeen Ciidamada qalabka Sida.

Axmed Madoobe ayaa sheegay "in howlgalada bilowday ay sii socon doonan isla markaan laga xorayn doono dhammaan deegaanada Jubaland gaar ahaana magaalada caasimada ah ee Bu’aale wakhtiyada dhow".

Ciidamadan ayuu carabka ku adkeeyay in ka howlgali doonan dhammaan deeganadii u danbeeyay ee laga xoreeyay Kooxda Khawaariijta ah isla markana ay kala wareegi doonan masuuliyada sugida amniga Ciidamada qalabka Sida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM