Axmed Madoobe: Dadka degaanka waxaan uga baahan nahay 'Wiil iyo Waran'

Image
Image
Image
Image
Image

KISMAYO, Somalia - Maamulka Jubbaland ayaa wada abaabul dagaal, kaasoo ka dhan ah xoogaga Al-Shabaab, islamarkaana dib gacanta dowlad goboleedka loogu soo celinayo degaaada ka maqan si gaar ah gobolka Jubadda Dhexe.

Madaxwayne Axmed Madoobe oo socdaal dheer ku maraya degmooyinka iyo tuulooyinka Jubadda Hoose ayaa lugtii ugu dambeysay wuxuu ku joogaa degaanada Dhoobley, halkaasi oo uu kula kulmayo wax-garadka.

Dhamaan goobihii uu soo maray waxay is-arkayeen Odayaasha dhaqanka, dhalinyarada, Haweenka iyo saraakiisha ciidamada, isaga oo kala hadlayay gulufka uu maamulkiisa wado ee xorreynta degaanada ka maqan.

Isagoo khudbad ujeedinaya waxgaradka Dhoobley oo uu kaga mahad-celiyay sida ay ugu diyaar-san yihiin sidii Al-Shabaab looga adkaan lahaa ayuu ku tartarsiiyay inay kaalin muuqata ka ciyaaraan.

Madaxwaynaha ayaa cod dheer kaga dalbaday dadka degaanka inay wiilashooda iyo hantidooda ugu yahoobaan duulaanka cusub, kaasi oo uu qiray inuu qaadan karo waqti badan, hadii aanan la helin tirro badan oo askar iyo xeelad hagaagsan.

"Howlgalka oo aan isla garanay hadii hal meel laga qaado aanan lagu gaareyn guusha si dhaqsi ah, oo aan sameysano dhowr Dhufeys..Howlgalkaasi waa midkii aan Odayaasha ugu yeernay dadkana aan kula kulmaynay..oo aan ubaahan nahay Wiilkii, warankii iyo wixii diyaar-garow ah, iyo isku-tashi inaan sameyno," ayuu Axmed Madoobe yiri.

Dhinacyada ku howlan ciribtirka Al-Shabaab oo isugu jira dowlada dhexe ee Somalia iyo beesha caalamka ayuu si cad u sheegay inaanu daacad ka ahayn, isaga oo ku tilmaamay mid kaliya ku kooban hadal.

"Culeyska na saaran cid noogu hiilaneyso ma jirto..Shabaab dagaalkooda waa la fiirinayaa..'kanuu yahay..kanuu yahay'…inaan isku tasho ma dhib bay nagu leedahay?…ma wiil baanu waayeynaa?..waxaan qabaneyno ha noqoto Halgankaasi," ayaa laga soo xigtay Axmed Madoobe.

Isaga oo sii hadlay ayuu ugu baaqay siyaasiyiinta uu damaca uga jiro Kursiga uu haatan ku fadhiyo inay kusoo biiraan olalaha dagaal, islamarkaana ay doorkooda ka qaataan xorreynta gobolka Jubada Dhexe.

"Waxaa la yiri 'ninkii xoolo doonayo Xamara aad..malaha meel Xamara la yiraahdo oo waxba laga helo ayaa jirto...[Hadda] waa ninkii xoolo doonayo Bu’aalle aad…ninkii xil doonayo Bu’aalle aad, meeshaasi ayuu xil jiraayee," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Madaxwaynuhu.

Hadalka Axmed Madoobe ayaa kusoo aadaya xili uu culeys siyaasadeed kala kulmayo madaxda Villa Somalia oo ku mashquulsan inay kaga adkaato doorashada Madaxtooyada iyo mida Baarlamaanka ee soo aadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM