Axmed Madoobe iyo Deni oo dardargelinaya xulista Aqalka Hoose

Image
Image
Image
Image
Image
Madaxwayneyaasha dowladaha Puntland iyo Jubaland ayaa maanta dib ugu laabtey Garowe iyo Kismaayo.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo Muqdisho kaga qeybgalay Shirka Wadatashiga Qaranka, ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaala madaxda Garoowe.

Deni waxaa Garoonka diyaaradaha ee Gen Maxamed Abshir Airport kusoo dhoweeyay, Goleyaasha Dowladda, Maamulka Gobolka Nugaal, Maamulka Degmada Garoowe, Saraakiil Madaxtooyo iyo qeybaha kala duwan ee Bulshadda Garoowe.

Dhanka kale, Madaxweynaha Dowlada Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, oo maalmahii lasoo dhaafay safar shaqo ku joogay magaalada muqdisho ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubaland.

Masuuliyiin katirsan labada gole ee Dowlada iyo dadweyne kala duwan ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha sayid Maxamed Cabdille Xasan ee magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa muqdisho kaga soo qeyb galay shirka madasha wadatashiga qaran ee arrimaha Doorashooyinka oo laga soo saaray go’aamo Cusub oo lagu sii dhaqaajinayo doorashooyinka golaha shacabka ee qeybo kamid ah dalka ka bilowday.

Labada hogaamiye ayaa lagu waddaa in ay dardargeliyaan doorashada golaha shacabka. Sida ku cad jadwalka heshiiskii 9-kii Janaayo, 2022 ee golaha wadatashiga, coddeynta waa in ay bilaabato 15-ka bishan.

Marka laga reebo in guddiga doorashada daabacay sumadaha kuraasta lagu daahfurayo, Puntland ayaa wali bilaabin xulista xubnaha Aqalka Hoose, halka Jubaland ay meel dhaxe marsiineyso geedi-socodka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM