Axmed Madoobe iyo Xasan Sheekh oo ku kulmay magaalada Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam oo Muqdisho kula kulmay madaxweynihii 8aad ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa "kala hadlay doorashooyinka iyo wakhtiga kala guurka".

Ma cadda ajendaha dhabta ah oo madaxda ku gorfeysay kulankooda. Balse, illo ku dhow waxay soo warinayaan in uu qeyb ka yahay galaan-galka siyaasadeed ee la xiriira coddeynta soo aadan.

Madaxtooyadda Jubaland oo fahfaahin kooban kasoo saartey kulankan ayaa sheegtey in uu ka qabsoomay hoyga uu Xasan Sheekh ka degan yahay magaala madaxda waddanka dhaca Geeska Afrika.

"Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan talo wadaag ah la qaatay Madaxweynahii hore ee JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud," ayay tiri Madaxtooyadda.

Qoraalka ayay raacisay: "Madaxweynaha oo hoyigiisa ku booqday Madaxweynahii hore Dalka ayaa kulankan waxaa ay kaga wada hadleen labada Masuul Arimaha Doorashooyinka iyo wakhtiga kala guurka ah.

Axmed Madoobe ayaa magaala madaxda uga qeybgalaya wadaxaajoodyada arrimaha doorashooyinka 2020-21 kuwaasoo ka socda Villa Soomaaliya isla markaana gabagabada laga soo saari doono war-murtiyeed.

Soomaaliya ayaa wajaheysa mar-xalad kala guur ah taasoo aysan caddeyn qaabka looga gudbayo. Shirka Muqdisho wuxuu dhabaha u xaari karaan nidaamka waddanka uga gubayo mar-xaladan oo ah mid xasaasiyad leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo aqbalay ka-qaybgalka madasha wadahadalka qaran ee Muqdisho

Khilaafaad siyaasadeed iyo kuwo dastuur oo sii xoogeysanaya, kana taagan dhismaha dowladnimada iyo hab-maamulka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 12:16PM

Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Macdanta Soomaaliya

Qeybsiga iyo maamulka Khayraadka dalka ayaa ah mid wali aan heshiis lagu ahayn, oo dowladda iyo Maamulada Federaalka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 09:32AM