Axmed Madoobe oo amar dul-dhigay wasiirada Jubaland

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Madaxweynaha Jubaland ayaa soo xiray kulan wadareedka dardar galinta hiigsiga Xukuumada oo socday mudo sadex maalmood ah.

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Dowlada Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta soo xiray kulan wadareedka dardar galinta hiigsiga Xukuumada oo socday mudo sadex maalmood ah.

Kulankan oo ahaa mid golaha Xukuumadu ay ku qaada dhigayeen hiigsiga Xukuumada iyo qorshayaasha Dowlada ayaa waxaa lagu jaangooyay in isbadal muuqda lagu sameeyo shaqooyinka iyo howlaha ay hormuudka ka yihiin wasaaradaha kala duwan ee Dowlada.

Madaxweynaha kulanka soo xiray ayaa tilmaamay in loo baahan yahay dhamaan qorshayaasha halkan lagu gaaray in si dardar leh loogu badalo shaqooyin joogto ah oo lagu bari taaro shaqada ay hayaan wasaaradaha kala duwan.

Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in muhiimada kulankan ay tahay in wax laga badalo hanaankii hore ee wasaaradaha ay ku shaqayn jireen isla markana isla xisaabtan joogto ah lagu sameeyo howlaha baxaada leh ee wasaaradaha ay qabtaan.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in guddiga shaqada iyo shaqaalaha ay masuuliyad ka saaran tahay la xisaabtanka shaqaalaha dowlada iyadoo la hubinayo habsami u socodka shaqada iyo joogtaynta gudashada waajibaadka cid walba saaran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM

Masar iyo Jabuuti oo Mar Kale Xaqiijiyay Taageerada Midnimada iyo Madaxbannaanida Soomaaliya

Wasiirradu waxay sidoo kale muujiyeen taageeradooda hay’adaha sharciyeysan ee dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 08:05AM