Axmed Madoobe oo amar dul-dhigay wasiirada Jubaland

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Madaxweynaha Jubaland ayaa soo xiray kulan wadareedka dardar galinta hiigsiga Xukuumada oo socday mudo sadex maalmood ah.

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Dowlada Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta soo xiray kulan wadareedka dardar galinta hiigsiga Xukuumada oo socday mudo sadex maalmood ah.

Kulankan oo ahaa mid golaha Xukuumadu ay ku qaada dhigayeen hiigsiga Xukuumada iyo qorshayaasha Dowlada ayaa waxaa lagu jaangooyay in isbadal muuqda lagu sameeyo shaqooyinka iyo howlaha ay hormuudka ka yihiin wasaaradaha kala duwan ee Dowlada.

Madaxweynaha kulanka soo xiray ayaa tilmaamay in loo baahan yahay dhamaan qorshayaasha halkan lagu gaaray in si dardar leh loogu badalo shaqooyin joogto ah oo lagu bari taaro shaqada ay hayaan wasaaradaha kala duwan.

Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in muhiimada kulankan ay tahay in wax laga badalo hanaankii hore ee wasaaradaha ay ku shaqayn jireen isla markana isla xisaabtan joogto ah lagu sameeyo howlaha baxaada leh ee wasaaradaha ay qabtaan.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in guddiga shaqada iyo shaqaalaha ay masuuliyad ka saaran tahay la xisaabtanka shaqaalaha dowlada iyadoo la hubinayo habsami u socodka shaqada iyo joogtaynta gudashada waajibaadka cid walba saaran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo si Adag u Diidday Wax ka Bedelka Dastuurka Federaalka Soomaaliya

Puntland waxay caddeysay inay aqoonsan tahay oo keliya Dastuurka KMG ah ee lagu heshiiyey sannadkii 2012.

  • Soomaliya

    02-03-2026

  • 09:05PM

Xildhibaannada Baarlamaanka oo Laga Mamnuucay inay ka baxaan Muqdisho

Koox xildhibaanno federaal ah oo u safrayay Garoowe ayaa shalay lagu qasbay inay dib ugu soo laabtaan Muqdish.

  • Soomaliya

    02-03-2026

  • 08:32AM