Axmed Madoobe oo baaq kasoo saarey xaalado ka jira Jubaland

Image
Qiimaynta ilaa hadda la sameeyay ayuu xusay in ay muujinayso in loo baahan yahay gargaar Caalami ah oo wax lagaga qabto saamaynta abaaraha jira ay gaysanayaan.

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa sheegay in abaaro iyo xanuuno aan la garanaynin oo ka jira qeybo kamid ah Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa xusay in xaaladahaas ay dhibaato ba’an ku hayaan xoolo dhaqatada iyo beeraleeyda qeybo badan oo kamid ah deegaannada Jubbaland taas oo khatar ku ah nolosha dad badan oo kamid ah bulshada.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in abaaraha ka jira qeybo kamid ah Jubbaland ay yihiin kuwo u baahan gurmad caalami ah iyo gargaar deg deg ah oo ay helaaan dadka tabaalaysan.

Waxaa Madaxweynahu uu ugu baaqay Dhammaan Hay’adaha gargaarka iyo cid walba oo tageero ka gaysan karta dhibaatada taagan inay tahay hada xiliga ugu haboon ee gurmad deg deg ah loo baahan yahay.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha ayaa sheegay in Wasaaradda gargaarka iyo maaraynta musiibooyinka ay wado dadaalo wax lagaga qabanayo xaaladda hadda taagan isla markaana qiimaynta ay ilaa hadda sameeyeen ay muujinayso in loo baahan yahay gargaar Caalami ah oo wax lagaga qabto saamaynta abaaraha jira ay gaysanayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo loogu baaqey inuu xilka ka dego

War-saxaafadeedka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah inay ilaaliyaan dastuurka.

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 10:22AM

Turkiga oo Soomaaliya ka dhigaya Goob ay Quwadaha Caalamku ku Hardamaan

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xaruntan ay Turkiga u suuragelin karto inuu ballaariyo…

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 06:20AM