Axmed Madoobe oo balanqaad u sameeyay dhibaneyaasha daadadka

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubbaland - Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kormeer ku tagay deegaano katirsan Gobolka Jubada Hoose oo uu ku fatahay wabiga Jubba.

Deegaanadan ayaa maalin kahor waxaa ka bilowday fatahad uu samayay wabiga Jubba, waxaana maamulku ka bilaabay halkaas gurmad deg deg ah kaas oo ay si aad ah ay ugu diirsadeen dadka degaanadaas.

Kanaaladii uu wabigu kasoo fatahay ayaa la xiray taas oo yaraysay Khasaaraha ka dhalan lahaa waxaana fatahaada oo xili habeen ah bilaabatay ay saamayn ku yeelatay dhul beeredyo kala duwan.

Madaxweynaha ayaa kormeeray beeraha ay fatahaadu samaysay isagoo qaar kamid ah dadka beeraleeyda ah oo uu la kulmay u sheegay in Dowladu ay garab istaagayso si khasaaraha gaaray ay uga soo kabtaan.

Sidoo kale Madaxweynahu wuxuu booqday qaar kamid ah goobaha waxbarashada oo fatahaadu ay saamayn ku yeelatay gaar ahaan deegaanka Goobweyn.

Axmed Madoobe ayaa wuxuu u balan qaaday in balaarin iyo dib u habayn lagu samaynayo iskuulka Goobweyn, isagoo mid mid u kormeeray fasalada iskuulkan.

Deegaano kale oo katirsan Gobolka Gedo iyo Jubbada Dhexe ayay sidoo kale fatahaadu saamaysay iyadoo Maamulk iyo Bulshada ay iska kaashanayaan sidii khasaaraha wax looga qaban lahaa.

MUUQAALKA AXMED MADOOBE

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM