Axmed Madoobe oo bogaadiyey doorashadda Puntland

Image
Madaxweynaha Jubaland ayaa talaabadan ku sifeeyay "guul ay shacabka Puntland ka gaareen dhanka dimuqraadiyadda"

KISMAAYO, Jubaland - Madaxwayne Axmed Maxamed Islaam ayaa bogaadiyey doorashadda qof iyo cod ee ka qabsoontay sadex kamid ah degmooyinka Puntland.

Axmed Madoobe oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa talaabadan ku sifeeyay guul taariikhi ah oo Solmaaliga u soo hooyatay.

Sida laga soo xigtay Axmed Madoobe, doorashadan tooska ah ayaa sidoo kale waxay cashar u tahay maamulada kala ee dalka si ay awooda ugu celiyaan shacabka.

"Waxaan hambalyo u dirayaa Dowlada iyo shacabka Puntland talaabada ay u qaadeen dhinaca dimuqraadiyada taas oo degmooyin kamid ah laga qabtay Doorashooyinka dadweynaha ee qof iyo cod oo lagu soo dooranayo golayaasha deegaanka," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Talaabadan oo ah mid mudo dheer ay sugayeen shacabka Soomaaliyeed waxaa hada muuqata rajo weyn oo ah in meelaha duruufaha amniga iyo siyaasadu ay saamaxayaan laga qaban karo Doorashooyinka shacabku ay kusoo xulanayaan cida matalaysa".

"Waa arin bogaadin mudan in Puntland ay noqotay Dowlad Goboleedkii ugu horeeyay ee hirgaliya waxaana rajaynayaa in Dowlad Goboleedyada kalana ay ku dayan doonan," ayuu xusay.

Wuxuu kusoo gabagabeeyay: "Doorashooyinka dadweynaha waa fursad weyn oo shacabka loogu dhawaynayo awooda xukunka si ay usoo saaran hogaamiyayaasha ay ka dhex arkaan himilooyinkooda".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM

Masar iyo Jabuuti oo Mar Kale Xaqiijiyay Taageerada Midnimada iyo Madaxbannaanida Soomaaliya

Wasiirradu waxay sidoo kale muujiyeen taageeradooda hay’adaha sharciyeysan ee dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 08:05AM