Axmed Madoobe oo booqasho 3 casho uga bilaabatay Jabuuti

Image
Wadahadalo ku saabsan siyaasada, ganacsiga iyo amniga ayaa la filayaa in dhinacyadda ay yeeshaan.

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa booqasho saddex casho ah uga bilaabatay waddanka Jabuuti kadib markii uu casuumaad qaas ah ka heley madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada dhinac ayaa bishii hore ku kulmay Muqdisho markii la furayay xarunta Afka Soomaaliga ee AGA. Axmed Madoobe ayaa kamid ahaa madaxdii garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Geelle.

"Waxaa Madaxweynahu uu dalkan jabuuti ku yimid booqasho rasmi ah oo qaadan doonta mudo Sadex maalmood ah kadib Markii uu casuumaad ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Ismaciil Cumar Geelle," ayay tiri Jubaland State House.

Maalmaha uu joogo Jabuuti, Axmed Madoobe ayaa la filayaa in uu helo hab maamuus sare oo qaabilaad ah, iyada oo uu garoonka Jabuuti kusoo dhoweeyay wasiirka arrimaha dibedda dalkaasi.

"Wadahadalo ku saabsan siyaasada, ganacsiga iyo amniga ayaa la filayaa in dhinacyadda ay yeeshaan," ayaa lagu yiri warbixino laga helay illo wareedyo madax-banaan.

Xogo kale ayaa sidoo kale waxay sheegayaan safarka uu daaranyahay arrimo la xiriira dekadaha, iyada oo Jabuuti ay welwel badan ka qabto koboca tartanka marsooyinka ee Geeska Afrika.

"Axmed Madoobe ayaa la sheegay in uu dowladda Imaaraatka heshiis kula galay dekada Kismaayo, arrintaas oo welwel badan galisay Jabuuti oo ay horey arrimaha dekadaha isugu jiireen dowladda Imaaraadka," ayay xoguhu xusayaan.

Waxyar kadib markii uu ka degay Jabuuti, Axmed Madoobe ayaa qasriga Madaxtooyadda waxa uu kula kulmay Geelle oo ay kawada sheekeysteen xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

"Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay tageerada dhinacyada kala duwan ah ee Dowlada Jabuuti ay la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed iyo iskaashiga dhinacyada hormarka iyo amniga," ayay xustey Jubaland.

Jabuuti ayaa dhanka kale bartanka kaga jira fulinta diblamaasiyadeeda Afka Soomaaliga, taas oo ay doonayso in ay ku saamayso dalalka Geeska iyo Bariga Afrika oo qoowmiyadda Soomaalida raad muuqda iyo galaangal ku leedahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo isku keenay xulafadiisa Baydhabo xilli loolan adag loogu jiro hoggaanka Koonfur Galbeed

Dadaalladan isku xirka ah ayaa lagu soo beegay xilli la shaaciyay in doorasho qof iyo cod ah ay magaalada ka dhici doonto 28-ka April.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 10:48AM

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM