Axmed Madoobe oo Digniin kulul u jeediyay Hay'adaha samafalka

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, oo kulan la qaatay Hay’addaha samafalka ayaa uga digay inay mashaariic ka fuliyaan deegaanada maamulkiisa, iyagoo aan maamulka soo marin.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in mashruuc kasta oo ay ka fulinayaan ay muhiim tahay inay la socod siiyaan Saraakiisha maamulka Jubbaland ee khuseeya howlaha ay qabanayaan, ayna ku yeeshaan talo iyo tusaale.

Madaxweyne Madoobe ayaa carabka ku adkeeyay in maamulkiisa uu soo dhawaynayo Hay’add kasta, oo caawimaad u fidineysa Dadka dhiban, islamarkaana kana qeyb-qaadaneysa dib u dhiska guud iyo horumarka dalka.

“Waxaan rabaa inaan idin sheego labo qodobood; midka koowaad oo ah in halkaan uu ka jiro maamul, wax walba oo laga fulinayo waa inuu maamulka ogaadaa. Ugu yaraan waa inuu ku yeesho talo,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

"Mida labaad oo ah in wax walba oo aad fulineysaa aad nala socod siisaan oo aadan na hareer-marin. Sidaas darteeda, cid walba oo halkaan xafiis ka furaneysa waa inay nagu soo war-gelisaa howsha ay qabaneyso si baahida aan qabno ugu sheegno,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Go'aanka Madoobe ayaa kusoo beegmaya iyadoo xiriirka u dhaxeeya Jubbaland iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya uusan hagaag-saneyn xiligan, kadib markii ay isku maan-dhafeen go’aanka xukuumada Muqdisho ka qaadatay xiisada Khaliijka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM