Agaasimeyaasha wasaaradaha Jubbaland oo digniin loo diray

Image

KISMAAYO, Jubbaland - Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa kulan la qaatey agaasimayaasha wasaaradaha iyo gudiyada madaxa banaan ee maamulka Jubbaland.

Kulankan ayaa ujeedadiisa wuxuu ahaa hubinta iyo dhageysiga waxqabadka wasaaradaha iyo gudiyada madaxa banaan ee Jubbaland.

Is-aragga ayaa wuxuu qabsoomey hoolka shirarka ee madaxtooyada Jubbaland ee magaala madaxda dowlad goboleedkaas ee Kismaayo.

Agaasimayaasha ayaa ka warbixiyey waxqabadka wasaaradaha ay maamuulaan, sida ay u fulaan mashaariicda kusoo dhaca wasaaradaha iyo caqabadaha ay wajahaan xilliyada ay ku gudo jiraan daadejinta adeegyada bulshada.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa kadib dhageysiga warbixinta agaasimaayaasha uga mahadceliyey kuna dhiiri galiyey shaqada balaaran ee ay u hayaan bulshada reer Jubbaland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Axmed Madoobe ayaa wuxuu ballan qaadey in caqabad kasta oo soo wajahda daadejinta adeegyada dowladu shacabka gaarsiiso loo xallin doono sida ugu dhakhsaha badan.

Agaasimayaasha ayuu si adag wuxuu uga digay ku dhex milmaan siyaasadda maadaama aysan shaqadoodu ahayn siyaasad ee ay tahay inay adeegyada dowlada gaarsiiyaan shacabka.

Kulankan ayaa hordhac u ahaa kulan balaaran oo wasaaradaha looga dhageysan doono waxqabadkooda, kaas oo ay kasoo qeybgali doonaan Wasiirada, ku xigeenada, agaasimayaasha iyo shaqaalaha.

"...halkaas oo ay si daahfuran ugu soo bandhigi doonaan waxyaabaha u qabsoomey wasaarad kasta iyo caqabadaha jira," ayaa lagu yiri war qoraal ah oo xafiiska madaxweynaha kasoo baxay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM