Axmed Madoobe oo isku shaandhayn ku sameeyay Wasiiradiisa

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxwaynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa isku shaandhayn ku sameeyay Gollahiisa Wasiiradda, sida laga shaaciyay digreeto kasoo baxday xafiiskiisa.

Wareegtadda oo ku taariikheysan 13-ka November ayaa waxaa Gollaha Xukuumadda Dowlad Goboleedkan lagu soo kordhiyay Maxamed Axmed Cilmi, kaasoo loo magacaabay Wasiirka Shaqadda iyo Shaqaalaha Jubbaland.

Sida ku cad qoraalka, meesha ugu badan ee isbedalka lagu sameeyay ayaa ah Wasiiru dowlayaasha, halkaasi oo mas'uuliyiin cusub xilal loogu magacaabay, kuwaasoo tiradoodu gaareyso afar.

Wasiiru ku xigeeno labo ah, oo kala ah; Ku xigeenada madaxa Maaliyadda iyo Wasaaradda Dalxiiska iyo Degaanka ayaa xubno cusub loogu magacaabay xili jaooyinkii laga xayuubiyay kuwii hore.

Isku shaandhaynta uu sameeyay Axmed Madoobe ayaa kusoo aadeysa xili uu wajahayo culeys siyaasadeed oo madaxda dowladda dhexe uga imaanaya, islamarkaana xiisad siyaasadeed ay u dhaxeyso maamul goboleedyada iyo Villa Somalia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM