Axmed Madoobe oo ka hadlay xaaladda Gedo

Image

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Dowlada Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyey shirka Golaha Xukuumada Jubbaland kaasoo maanta ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa ugu horeyn Golaha Wasiiradda oga warbixiyey xaalada siyaasadda Dalka, Amniga iyo Dowladaha Hoose oo dhawaan dhismahooda laga bilaabay Degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose.

Siyaasada: Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ku dheeraaday xaalada siyaasada Dalka gaar ahaan arimaha doorashooyinka ee inagu soo fooda leh.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha in Jubbaland ay diyaar u tahay in ay qayb ka qaadato doorashooyinka iyadoo ay mudnaanta leedahay in loo madax banaaneeyo Gudiga doorashada Jubbaland si waafaqsan heshiiskii ay Madaxda DFS iyo Dowladaha xubnaha ka ahi ay ku saxiixeen Magaalada Muqdisho.

Gobolka Gedo ayuu sheegay Madaxweynaha in dhibaato weyn ay ku hayaan Ciidamada ay geeysay Dowlada Faderaalka Soomaaliya, kuwaas oo gabi ahaanba xasiloonidii iyo nabadii ka jirtey deegaanka u badaley qalalaaso iyo boobka hantida shacabka.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Ayaa Wasaarada arrimaha gudaha ku bogaadiyey yagleelida Maamulka Degmada Afmadow kaas oo ay shacabku soo doorteen hogaanka degmada taas oo bilow fiican u ah dhismaha Dowladaha hoose ee degmooyinka Jubbaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM