Axmed Madoobe oo ku baaqay in la taageero halganka lagu xoreynayo dalka

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa munaasabad lagu daahfurayo Naqshadda guud ee Magalaada Kismaayo kaga hadlay dagaalka AS.

Madaxweynaha ayaa soo jeediyay in la taageero dadaalada uu wado Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku maqan jiidda hore ee dagaalka, wuxuuna ka codsaday qurba joogta in wax walba ay ku bixiyaan sidii dagaalkaasi uu u guuleysan lahaa.

"Reer Jubbaland waxay rabaan inay isku tashadaan oo ay dagaal galaan, waana inaa qorsheynaa sidii aan u difaaci lahayn deegaannada la xoreynayo." Ayuu yiri Madaxweynaha.

Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay siyaasi kasta oo doonaya in uu qabto talada dalka in uu xooga saaro ka qeyb qaadashada dagaalka lagula jiro argagixisada.

“Dadku waa in ay qofka ku qiimeeyaan waxa uu dagaalka ka qabo, danta madaxweynaha ee uu doonayo in uu gaaro waa in Soomaaliya ay xor noqoto” ayuu ku soo gabagabeeyay hadalkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM