Axmed Madoobe oo ku baaqay in la taageero halganka lagu xoreynayo dalka

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa munaasabad lagu daahfurayo Naqshadda guud ee Magalaada Kismaayo kaga hadlay dagaalka AS.

Madaxweynaha ayaa soo jeediyay in la taageero dadaalada uu wado Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku maqan jiidda hore ee dagaalka, wuxuuna ka codsaday qurba joogta in wax walba ay ku bixiyaan sidii dagaalkaasi uu u guuleysan lahaa.

"Reer Jubbaland waxay rabaan inay isku tashadaan oo ay dagaal galaan, waana inaa qorsheynaa sidii aan u difaaci lahayn deegaannada la xoreynayo." Ayuu yiri Madaxweynaha.

Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay siyaasi kasta oo doonaya in uu qabto talada dalka in uu xooga saaro ka qeyb qaadashada dagaalka lagula jiro argagixisada.

“Dadku waa in ay qofka ku qiimeeyaan waxa uu dagaalka ka qabo, danta madaxweynaha ee uu doonayo in uu gaaro waa in Soomaaliya ay xor noqoto” ayuu ku soo gabagabeeyay hadalkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM