Axmed Madoobe oo Kulamo gaar ah kawada Brussels [Sawirro]

Image
Image
Image

BRUSSELS - Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa kulamo gaar ah kawada magaalada Brussels halkaasi oo shalay uu ka furmay shirka arrimaha Soomaaliya.

Axmed Madoobe iyo wafdiga la socda ayaa maanta kulan la qaatey Saraakiil katirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka, kuwaasi oo ay kawada hadleen xaaladda amni ee Soomaaliya, gaar ahaan Jubbaland.

Wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga Jubbaland, Aadan Ibraahim Aw- Xersi iyo mas'uuliyiin kale oo katirsan maamulka Jubbaland, ayaa ka qeybgalay kulanka dhexmaray Axmed Madoobe iyo Saraakiisha dowladda Mareykanka.

Arrimaha sida gaarka ah ay uga wadahadleen labada dhinac ayaa waxaa kamid ah dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda degaanada Jubbaland, halkaasi oo ay ku sugan yihiin Ciidmada u dhashay dalka Mareykanka.

Horaantii bishii June ee lasoo dhaafay, Askari Ciidamada Mareynkanka katirsanaa, oo lagu magacaabi jiray Alexander Conrad, 26 jir ahaa ayaa lagu dilay weerar Al-Shabaab ay ku qaadey saldhi ay ku leeyihiin degaanka Sanguuni ee duleedka Kismaayo.

Mareykanka ayaa kamid ah dalalka dhanka amaanka ka taageera dowladda Soomaaliya iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada, oo ay tababar iyo agab u siiyaan ciidamadooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM