Axmed Madoobe oo Kulan qarsoodi ah la qaatey madaxda Garissa

Image

GARISSA, Kenya - Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa kulan qarsoodi ah kula qaatey magaalada Garissa ee dalka Kenya siyaasiyiin, waxgarad iyo odayaal dhaqan maalintii Axad ee lasoo dhaafay.

Illo ku dhaw kulanka ayaa u sheegay wargeyska Daily Nation in Axmed Madoobe uu u tagey Garissa inuu taageero waydiisto beesha uu kasoo jeedo ee Ogaden, oo degta qeybo kamid ah gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa madaxdii iyo odayaashii uu la kulmay ka dalbadey taageero si markale ugu guuleysto doorashada madaxtinimada Jubbaland, oo la filayo inay dhacdo sanadkan soo socda.

Axmed Madoobe oo kursiga ku fadhiyay tan iyo 2013-kii ayaa wajahaya doorashada soo socota tartanka adag oo kala kulmayo siyaasiyiin beeshiisa kasoo jeeda, oo la sheegay in taageero ka helayaan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Cismaan Ibraahim, oo kamid ah Odayaasha Garissa ayaa xaqiijiyay in ujeedka Axmed Madoobe u tagey magaalada ay ahayd raadinta taageero uu ka helo beeshiisa degan dalka Kenya, maadaama doorasho ay kusoo food leedahay.

Laakiin, Madaxtooyadda Jubbaland illaa iyo haatan kama aysan hadlin safarka Madaxweyne Axmed Madoobe ee Garissa.

Dowladda Kenya ayaa Axmed Madoobe ka gacan siisay inuu Al Shabaab ka saaro Kismaayo 2012, waxaana ay geysay gobollada Jubbooyin ciidamo qeyb ka ah AMISOM oo Jubbaland difaacaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM