Axmed Madoobe oo kusii jeeda Dhuusamareeb isagoo ilaalinayaan Ciidan gaar ah

Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Wafdiga Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa saakay kasoo duuley magaaladda Kismaayo, isagoo kusii jeeda Dhuusamareeb, halkaasoo laguw ado inuu Maanta ka furmo Shirka Madaxda Maamullada dalka Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa waxaa la socda xubno katirsan maamulka Jubaland, waxaana amnigooda sugaya Ciidamo gaar ah oo Kismaayo kasoo raacay, kuwaasoo uga hormaray qaarkooda magaaladda Dhuusamareeb.

Shalay waxaa Dhuusamareeb tagey Madaxweynaha HirShabeelle, iyadoo maanta la filayo in inta dhiman ay halkaasi gaaraan, kahor inta uusan shirka billaaban.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo midka Koonfur Galbeed ayaa la filayaa in saacadaha soo aadan ay gaaraan Dhuusamareeb

Maamulka Galmudug ayaa magaaladda ka saarey shalay Ciidankii DF ee Haramcad, kadib markii madaxda qaar ay joogitaankooda walaac ka muujiyeen, islamarkaana ay dalbadeen in laga daadgureeyo, sidoo kalena mas'uuliyadda amniga lagu wareejiyo kuwa maamulkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM