Axmed Madoobe oo la kulmay guddi KMG ah kana tirsan BF Soomaaliya

Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubbaland - Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Madaxtooyada ku marti qaaday Guddiga KMG ee soo diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaran oo howlo shaqo u joogay Jubbaland.

Qado sharaf uu Madaxweynahu Xubnahan ugu sameeyay Madaxtooyada kadib waxaa kulan ay yeesheen lagaga hadlay shaqada gudigan iyo waxyaabahii uga qabsoomay howlaha shaqo ee ay Jubbaland u yimaadeen.

Kulankan ayaa waxaa la sheegay in diirada lagu saaray sidii talooyinka iyo aragtiyada ay Guddigan uruurinayaan ay u noqon lahayd mid ka turjumaysa rabitaanka dadka Soomaaliyeed.

Guddigan ayaa sidoo kale la kulmay Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland Golaha Wasiirada iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Is-aragii ugu danbeeyay ayaa wuxuu yahay midka ay maanta la qaateen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe].

Sharciga Doorashooyinka Qaranka ayaa kamid ah waxyaabaha muhiimka u ah coddeynta lagu rajo weyn yahay in ay sanadka soo aadan ka qabsoonto guud ahaan dalka.

Doorashadaas ayaa la filayaa in ay noqoto mid qof iyo cod ah, inkasta oo dowladda federaalka iyo maamul goboleedyadda aysan wali heshiis mideysan ka gaarin arrintaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM