Axmed Madoobe oo magacaabay madaxweyne ku xigeenada Jubaland

Image

KISMAAYO, Jubbaland - Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Talaado 22 Oktoobar 2019 wuxuu wareegto ku magacaabey labadiisa ku xigeen.

Maxamuud Sayid Aadan, ayaa laga dhigay Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Jubbaland, halka C/qaadir Xaaji Maxamuud, loo xushay Madaxweyne Kuxigeenka 2aad ee Jubbaland.

Magacaabidan ayaa kusoo aadeysa xili aad loo sugayo hadii Axmed Madoobe uu wax ka bedel ku sameyn doono Golahiisa Wasiiradda oo mid kamid ah uu ku xiran yahay Muqdisho.

Cabdirashiid Janan ayaa tan iyo 1-dii September ku xiran Muqdisho, iyadda oo "loo diiday in uu la kulmay eheladiisa, qareenkiisa iyo adeegyo caafimaad oo uu u baahdey".

Xeer-ilaalinta federaalka ayaa kusoo eedeysay "dilalka shacab" xili maamulkiisa uu qabashadiisa ku sifeeyay "afduub baalmarsan Dastuurka iyo arrin siyaasadeysan".

Jubbaland, Puntland iyo qaar kamid ah xisbiyadda siyaasadeed ee dalka ayaa cod dheer waxay ku dalbadeen in Janan "sida ugu dhaqsiyaha badan loogu soo xorriyadiisa".

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa dib loogu doortay hogaanka Jubaland kadib doorasho ka qabsoontay magaaladda Kismaayo 22-kii bishii August ee sanadkan 2019-ka.

WAREEGTADDA MAGACAABIDA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM