Jubaland oo shaacisay fariinta ay u dhiibtay guddi ka socda Aqalka Hoose

Image

KISMAAYO, Jubbaland - Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Jubbaland oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.

Ugu horayn waxaa golahu ay ka doodeen Arimaha doorashooyinka Qaranka gaar ahaan guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka dalka oo dhawaan la tashi u yimid Jubbaland.

Hay’adaha kala duwan ee Dowlada iyo Bulshada ayay la kulmeen waxaana ay isku raaceen in ay muhiim tahay in dalka ay ka dhacdo Doorasho hufan oo wakhtigeeda ku dhacda.

"...isla markana fariintii Dowlada iyo shacabka Jubbaland ay Guddiga u dhiibeen ay taas ahayd," ayaa lagu yiri war qoraal ah oo xafiiska Axmed Madoobe kasoo baxay.

Golahu waxay ka hadleen xaalada fatahaadaha iyadoo Wasiirka Arimaha gudaha Mudane Maxamed Warsame Darwiish laga dhagaystay saamaynta ilaa hada ka dhalatay iyo qorshaha Wasaarada ee sidii gurmad loogu fidin lahaa.

Wasiirku wuxuu xusay in gurmad laga sameeyay meelaha qaar guul weyn laga gaadhay isla markana qorshe weyn oo mustaqbalka arintan lagu wajaho ay u baahan tahay.

Wasaarada Caafimaadka ayaa soo bandhigtay in guud ahaan deegaanada Jubbaland laga furay 4 Xarumood oo waa weyn kuwaas oo wax badan kusoo kordhinaya adeegyada caafimaadka ee Bulshadu ay u baahan tahay.

"...waxaa kale oo la furay 24 xarumood oo loogu tala galay hooyada iyo dhalaanka," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Shirka Golaha Wasiiradda kasoo baxay.

Wasaarada Xanaanada Xoolaha ayaa sharaxaad ka bixisay hanaanka bad qabka xoolaha iyo talaalkooda oo ka socda guud ahaan Jubbaland.

"..iyadoo hadda shaqada ugu badan ay gabo gabo ku dhowdahay dhamaan deegaanada Jubbaland la gaarsiiyay talaalka xoolaha," ayay tiri warbixinta Wasaaradda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM