Maxaa ka cusub kulanka Dhuusamareeb?

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Wadahadalada arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ee madaxda Soomaalida maalmihii lasoo dhaafay uga socday caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa galay jawi aad u adag, sidda ay illo wareedyo xog ogaal ah u sheegeen warsidaha Garowe Online.

Sidda ay muujinayaan xogaha, qadiyadda gobolka Gedo ayaa noqotay qodobka ugu culus ee madaxweyneyaasha ay isku afgaran waayeen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa, sidda ay macluumaadyadda tibaaxayaan, wuxuusan tanaasul badan ka sameyn mowqifkii uu shirkan kahor ka taagnaa xal u helida mushkilada ay kalkii hore halkaas ka abuurtay Villa Soomaaliya.

Macluumaadka ayaa intaas ku daraya in Beesha Caalamka ay waddo dedaalo ay dooneyso in ay ku badbaadiso shirka isla markaan madaxda Soomaalida ay xal gaaraan.

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa ku adkeystay in muhiim ay tahay in ciidamadda dowladda laga saaro gobolka si doorashooyinka u noqdaan mid maamulkiisa u maamulo si daahfuran oo xor ah.

Axmed Madoobe ayaa, sidda ay wararku xusayaan, wuxuu dib-u-dhigay shir jaraa'id oo uu ku fahfaahin lahaa caqabadaha ku hor-gudban shirka iyo sababta aan wali xal loogu helin arrinta gobolka Gedo.

Dowladda federaalka ee muddo xileedkeeda uu dhamaadka yahay ayaa ciidamo si xoog ah ku qabsatay gobolkaas soona eriday mas'uuliyiintii halkaas ugu magacownaa maamul goboleedka Jubaland ee Soomaaliyeed.

Dhanka kale, warar lagu kalsoon yahay ayaa daaha ka rogaya in Farmaajo uu dhankiisa dib-u-dhigay safar uu ku imaan lahaa Muqdisho ugana qeybgeli lahaa kulan la isugu yeeray baarlamaanka federaalka kaasoo dhankiisa loo maleynayo in gabi ahaanba dib loo dhigay.

Qoraal kasoo baxay Aqalka Sare ayaa lagu yiri: "Dhammaan Senatarada Golaha Aqalka Sare ee BFS waxaa lagu wargelinayaa in uusan jirin kulan wadajir ah oo Madaxweynuhu kasoo codsadey Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare si waafaqsan Qod.57aad (c) ee Dastuurka KMG ah iyo Qod.59 aad (4) ee Xeerhoosaadka Golaha. Sidaas darteed, ma jiro kulan wadajir ah oo ay xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u ballansan yihiin birito oo taariikhdu tahay 06 Jannaayo 2021.Mahadsanidiin".

Warbixinadda ayaa qeexaya in Farmaajo uu golaha waydiisan doono muddo kororsi maadama muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhacyo 8-da Febraayo oo ay naga xigto kaliya laba maalmood kuna beegan maalinta Isniinta ee todobaadka dambe, waxaana laga cabsi qabaa in dalku galo firaaq dastuuri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM