Axmed Madoobe: Qaraxii Soobe wuxuu dhiirogeliyay baacsiga Shabaab

Image

KISMAAYO, Jubbaland - Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa waxa uu ka hadlay xuska laba sano guuradii kasoo wareegatay xasuuqii isgoyska Soobe ee Muqdisho.

Wadar ahaan inta la xaqiijiyey in ka badan 500 oo ruux ayaa ku dhimatay falkaas, xili ay ku dhaawacmeen ku dhowaad kun qof, oo badankooda ah dad shacaba ah.

Al-Shabaab ayaa lagu eedeeyay dhacdadaas, inkasta oo kooxda aysan si furan u qaadan mas'uuliyadda, haddana waxaa lagu sheegay in ay ka muuqatay xeeladooda.

Axmed Madoobe oo war-saxaafadeed xafiiskiisa laga soo saarey, ayaa Umadda Soomaaaliyeed ku booriyey in ay u midoobaan gulufka ka dhanka ah ururkan.

Xukuumadda Federaalka ah ayaa dad badan u soo qabatay una xukuntay weerarkan, oo noqday midkii ugu dhimashada badnaa taariikhda casriga ah ee Soomaaliya.

Sidda laga soo xigtay bayaanka, Axmed Madoobe ayaa hoosta ka xariiqay in musiibadii Soobe ay ku dhiirogelisay dadweynaha in ay qayb ka noqdaan baacsiga argagixisada.

Nuqul kamid ah qoraalka xafiiska Axmed Madoobe

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in Xusuusta dhacdadii 14 Oktoober ee Sanadkii 2017-ka Weerarkii dadka badan ay ku dhinteen ee isgooyska Zoobe ay tahay in ay nagu dhiiri galiso sida ay muhiimka u tahay dadaalada Nabadgalyada iyo dagaalka Argagixisada in si wadajir ah looga wada shaqeeyo.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in dhacdadaas ay banaanka soo dhigtay sida aanay Argagixisadu u doonaynin Nolosha dadka Soomaaliyeed oo maalin walba ay dhiigooda si ula kac ah u daadinayaan taas oo mudan in lagaga jawaabo howlgalo iyo dagaal midaysan oo lala galo.

Madaxweynahu wuxuu tacsi u diray dhamaan dadkii ehelkooda ku waayay dhacdadaas Maanta oo kale waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in dhabar adeega iyo isku duubnida shacabka Soomaaliyeed ee dhacdadaas kadib ay ahayd wax lagu farxo iyagoo si wadajir ah ugu gurmaday dadkii dhibtu ay gaartay.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM