Axmed Madoobe: Waddanka waxaa mas'uul ka ah Rooble

Image
Madaxweynaha Jubaland ayaa ku baaqay in shaqadiisa loo madax-banaaneeyo ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta.

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa Talaadada maanta ah wuxuu khudbad uu kula wadaago xaaladahii u danbeeyay ee dalka u jeediyay qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Hay’adaha Dowladda Jubaland.

Kulankan oo ku qabsoomay magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka qeybgalay xubno ka tirsan labada  gole ee Dowlada odayaasha dhaqanka, haween, dhalinyaro iyo dadweyne kala duwan.

Axmed Madoobe ayaa diirada ku saaray khudbadan dhinacyada siyaasada, amaanka,  masuuliyada Ra’iisul Wasaaraha ee arimaha Doorashooyinka, kiiska sargaalad ikraan iyo abaaraha ka jira qeybo kamid ah Jubaland.

Isaga oo si aan toos ahayn uga hadlaya sheegashada ah maamulada ay shirkii dib-u-dhacay ee Garowe ay ku awood-siiyeen warqadii hakinta awoodaha, Axmed Madoobe ayaa xusay in ay wali garab taagan yihiin Rooble.

"Ra’iisul Wasaaroow masuuliyadda aad ummadda u hayso way caddahay annaguna waan ku garab taaganahay ee dalkan ka hirgali doorasho xor ah oo aan mindida daabkeeda lagula haysanin," ayuu yiri.

Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa si dadban wuxuu uga hor-yimid faragelin la sheegay in Madaxtooyada ay wali ku hayso awoodaha wasiirka koowaad wuxuuna cod dheer ku dalbadey in meesha laga saaro.

"Mawqifka Jubbaland ee Doorashooyinka waa in dhammaan la ixtiraamo heshiisyadii la wada galay. Ra’iisal Wasaraha shaqo dacalka la haysto ma qaban karo shaqadiisa haloo madax banneeyo isagaa wadanka masuul ka ah mindi daabkeeda la haysto RW Rooble waxba Kama qaban karo haloo madax banneeyo shaqadiisa," ayuu raaciyey.

Ugu dambeyntii, Axmed Madoobe oo markii ugu horeysay si muuqaal ah uga hadlay kiiska Ikraan Tahliil Faarax ayaa hoosta ka xariiqay in muhiim ay tahay in haweenaydan ka tirsaneyd hay'ada sirdoonka qaranka ay cadaalad hesho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM