Axmed Saciid Fiqi oo kasoo muuqdey liiska baarlamaanka Koonfur Galbeed

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub, Axmed Saciid Fiqi, ayaa kasoo muuqdey liiska Golaha Wakiiladda ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee maanta la shaaciyey.

Guddiga madaxa banaan ee soo xulista baarlamaanka labaad ee maamulkaas ayaa ku dhawaaqay mudaneyaasha oo ah 95 Xildhibaan oo kala metelaya bulshooyinka.

Tiradda mudaneyaasha ayaa waxay horey u ahayd 149, waxaana loo yareeyay "si loo waafujiyo dastuurka ismaamulkaas".

Badi sharci-dejiyeyaasha kusoo baxay xeer-dejinta ayaa ah wejiyo cusub, taasoo ka dhigan in ay ku yar yihiin xubnihii hore.

Fiqi oo ku jira wejiyadda cusub ayaa xogo kala duwan ay kasoo baxayaan ujeedada ka dambeysa kamid noqoshadiisa golahaas.

Xogo laga helay illo wareedyo muhiim ah ayaa xaqiijinaya in la qorsheynayo in laga dhigo afhayeenka baarlamaanka maamulkaas.

Shariif Sheekhunaa Maye ayaa haatan haya xilka guddoomiyaha, wuxuuna aad ugu dhowaan maamulkii Shariif Xasan Aadan oo is-casilay kahor doorashadii December, 2018.

Ma jirto shaacin rasmi ah oo ka timid Fiqi oo ku saabsan in uu iska casilay xilka danjiraha EU-da si lamid ah safiirka dalka u fadhiya Belgium-ka.

Dowladda Farmaajo ayaa tan iyo markii ay xafiiska timid bishii Febraayo ee sanadkii 2017-kii waxay dedaal badan gelisay sidii ay gacanta ugu dhigi lahayd maamul goboleedyada, talaabadaas oo la dhaleeceeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM