Baaq horleh oo laga soo saarey qalalaasaha Koonfur Galbeed

Image
Is-maan-dhaafkan ayaa salka ku haya muddo xileedka madaxwayne Cabdicasiis Laftagareen.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Hogaamiyeyaasha dowladda federaalka iyo maamuladda ayaa si wadajir ah u taageerey qabsoomida shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed ee loo mudeeyay 5-ta bisha Janaayo sanadkan 2022.

War-murtiyeedka kasoo baxay kulanka afartii maalmood lasoo dhaafay uga socday Muqdisho ayaa sidoo kale waxaa murugo looga muujiyey dagaalkii ka dhacay Baydhabo 23-ka Diseember 2022.

"Goluhu wuxuu ka tacsiyadeynayaa kana xun yahay dhacdadii gacanka hadalka ahayd ee ka dhacdey magaalada Baydhabo taariikhdu markay ahayd 23-ka Diseember 2022," ayaa lagu yiri qoraalka.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Goluhu wuxuu adkeynayaa in la ilaaliyo sareynta sharciga, kala danbeynta iyo nidaamka dawladnimada. Goluhu wuxuu sidoo kale adkeynayaa in la ilaaliyo xuquuqda dastuuriga ee muwaadinka Soomaaliyeed iyo xoriyaddiisa".

"Goluhu wuxuu ku baaqayaa in lagu dhameeyo wixii tabashooyin ah ee jira shirka loo madlan yahay 5ta bisha Janaayo oo ay si wadajir ah ugu baaqeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo Madaxweynaha Dawladda Koonfur Galbeed," ayaa lagu soo xiray.

Xudunta xurgufta

Xiisadda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed ayaa salka ku haysa muddo xileedka madaxwayne Cabdicasiis Laftagareen taasoo mucaaradkiisa ay ku tilmaameen "mid baalmarsan dastuurka oo aanan haysan wax sharciyad ah".

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in laga yaabo in madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud uu tago Baydhabo isla markaana uu daahfuro shirka dib-u-heshiisiinta. Arrintan waxaa lagu soo qaadey kulan dhacay maalmo kahor.

Shirkaas ayaa waxaa ka qeybgalay madaxda ugu sareysa dowladda federaalka iyo mas'uuliyiinta kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee kamid ah xukuumadda. Dhinacyadda ayaa isla-qaatay in ku darsiga uusan xal waara ahayn.

Lama ogga waxa war-murtiyeedka shirka Muqdisho uu ka badali doono mowqifka Laftagareen oo ahaa in baarlamaanka maamulkiisa oo kaliya uu meesha ka saari karo muddo kororsiga halka sano ah.

Koonfur Galbeed ayaan kali ku ahayn muddo kororsiga. Madaxwayneyaasha kale ee dowlad goboleedyada ayaa sameystay ku darsi. Ma cadda haddii dhankooda u shaqeyn doonto iyo in dowladda federaalka ay gabi ahaanba diidi doonto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM