Baaq ku saabsan qaadka oo loo jeediyay Axmed Madoobe

Image
Dumarka nolol maalmeedka ka raadsada qaadka ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa soo saarey qeylo-dhaan culus.

KISMAAYO, Jubaland - Dumarka nolol maalmeedka ka raadsada qaadka ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa qeylo-dhaan culus ka muujiyey isbadelo lama filaan ah oo lagu sameeyay qiimaha qaadka laga dajiyo Jubbaland. 

Qaadka oo markii hore lagu keeni jirey doomo kasoo qaada Raaskaanbooni ayaa geyn jirey Kismaayo oo ah magaalada ugu muhiimsan Jubaland, halkaasi oo uu yaalo suuqa ugu weyn ee qaadka balse hadda waxaa lagu geeyaa duulimaad. 

Duulimaadka ayaa, sidda ay wararku sheegayaan, waxaa loo xirey ganacsato ay isku-dhow-yihiin Axmed Madoobe, kuwaas oo sare-u-qaaday qiimihii qaadka. 

Marduufkii oo markii hore lagu heli jirey $27 doolar xilligii doomaha oo uu masaafo dheer soo mari jirey ayaa hadda maraya $40 doolar, taas oo xaaladda ku adkaysay dadka biilalka ka raadsada iyo kuwa iibsada. 

Dumarka qaadka ayaa madaxweynaha Jubbaland si gaar ah uga codsaday in uu soo farogaliyo arrimaha taagan, uuna la hadlo saaxiibada uu qaadka u xirey.

Maamulka Juballand ayaan weli hadal kasoo saarin arrintan qaadka oo sidoo kale uu buuqeeda ka jiro meelo kale oo dalka ka mid ah, si isa soo taraysana u yeelanaysa weji siyaasadeed oo aanan fiicnayn. 

Ganacsatada qaadka keenta ayaa sidoo kale laga cabanayaa in ay bilaabeen in ay adeegsadaan ciidanka maamulka si ay ugu xirxiraan dadka lagu yeesho deemaha, iyada oo farta lagu fiiqay isku milan maamulka iyo ganacsatada qaadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM