Baaq laga soo saarey go'aanadii kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb 3

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xisbiga Wadajir ee uu hogaamiyo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa war-saxaafadeed ku caddeeyay mowqifkiisa ku aadan go'aanadii kasoo baxay wadahadalkii Dhuusamareeb 3.

Bayaankan oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa natiijadaas ku tilmaamay mid qabyo ah, wuxuuna soo jeediyey in la dhameystiro qodobo u muhiim u ah qabsoomida doorashooyinka 2020-21.

Maadaama heshiiska ay ka maqan yihiin maamulada Puntland iyo Jubaland, warka qoraalka ah ayaa adkeeyay ahmiyadda ay leedahay in wadar-ogol la helo isla markaana lagu qanci karo lana fulin karo.

Si looga hortago muddo kororsi iyo dib u dhac ku yimaada doorasho xilligeeda ku dhacda, xisbiga wuxuu ku taliyey in ergadda dooraneysa Xildhibaanka laga dhigo 101, coddeyntana qabsoonto 1 illaa 15-ka December.

Magacaabida xukuumad fulisa iyo beesha caalamka oo heegan u ahaato dabagalka iyo damaanad-qaadka heshiiska ayuu soo jeediyey. Si lamida in guddiga doorashada qaranka uusan wax lug ah ku yeelan cod-bixinta.

"Maadaama doorasho dadban tahay, waa in la dhiso guddi doorasho oo heer gobol iyo federaal ah xilkiisuna ku eg-yahay qabsoomida doorashooyinka 2020-21," ayaa la raaciyey qoraalkan labada bog ka kooban.

Heshiiskii uu Farmaajo ka saxiixdey madaxda Galmudug, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo gobolka Banaadir ayaa xeerinaya doorasho degaan ay ka codeynayaan 301 ergo isla markaana maamulayo guddiga xiliga ka dhacayo.

Hoos ka akhriso bayaanka Xisbiga Wadajir

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo codsatay in albaabada loo laabo xafiiska UN-ka ee Muqdisho

Talaabadaan ayaa imaanaysaa xilli howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ka baxayaan dalka.

  • Soomaliya

    09-05-2024

  • 09:11AM

Xamse oo mar kale sheegay in aan lagu laaban doonin Teendhada Afasiyooni

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xalay kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ku nool dalka Kenya.

  • Soomaliya

    09-05-2024

  • 05:33AM