Baaq laga soo saarey go'aanadii kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb 3

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xisbiga Wadajir ee uu hogaamiyo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa war-saxaafadeed ku caddeeyay mowqifkiisa ku aadan go'aanadii kasoo baxay wadahadalkii Dhuusamareeb 3.

Bayaankan oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa natiijadaas ku tilmaamay mid qabyo ah, wuxuuna soo jeediyey in la dhameystiro qodobo u muhiim u ah qabsoomida doorashooyinka 2020-21.

Maadaama heshiiska ay ka maqan yihiin maamulada Puntland iyo Jubaland, warka qoraalka ah ayaa adkeeyay ahmiyadda ay leedahay in wadar-ogol la helo isla markaana lagu qanci karo lana fulin karo.

Si looga hortago muddo kororsi iyo dib u dhac ku yimaada doorasho xilligeeda ku dhacda, xisbiga wuxuu ku taliyey in ergadda dooraneysa Xildhibaanka laga dhigo 101, coddeyntana qabsoonto 1 illaa 15-ka December.

Magacaabida xukuumad fulisa iyo beesha caalamka oo heegan u ahaato dabagalka iyo damaanad-qaadka heshiiska ayuu soo jeediyey. Si lamida in guddiga doorashada qaranka uusan wax lug ah ku yeelan cod-bixinta.

"Maadaama doorasho dadban tahay, waa in la dhiso guddi doorasho oo heer gobol iyo federaal ah xilkiisuna ku eg-yahay qabsoomida doorashooyinka 2020-21," ayaa la raaciyey qoraalkan labada bog ka kooban.

Heshiiskii uu Farmaajo ka saxiixdey madaxda Galmudug, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo gobolka Banaadir ayaa xeerinaya doorasho degaan ay ka codeynayaan 301 ergo isla markaana maamulayo guddiga xiliga ka dhacayo.

Hoos ka akhriso bayaanka Xisbiga Wadajir

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM